Wasaaradda Waxbarashada oo deg deg u xalisay cabasho uga timi macalimiin tababar ku jira

Hargeysa(GNA)-Wasaaradda horumarinta Waxbarashada iyo Sayniska, ayaa si deg deg ah u xalisay cabasho ay madaxda wasaaradda ula tageen macalimiin tababar kaga jiray kulliyadda tababarka macalimiinta oo ay ka raagtay lacagtii gunnada Habeen dhaxa ee bishii dhamaatay qaybteedii dambe.

Macalimiintan oo tababarku uga socday dugsiga Sh. Madar, tiradoodu gaadhayso ilaa 340 Macalin oo qayb ka ah ku dhawaad Kun macalin oo ku jira tababarka, ayaa la kulmay wasiirka, wasiir ku-xigeenka, agaasimaha guud iyo masuuliyiinta waaxda tababarka macalimiinta ee wasaaraddaasi, kuwaasoo ay kala hadleen cabashada ay ka qabaan lacagta ka raagtay.

Masuuliyiinta wasaaradda oo uu hogaaminayo Wasiirku oo qaabilay macalimiinta, ayaa u sheegay in lacagtoodu ku jirtay hannaanka diyaarinta, isla markaana ay maanta dhamaatay oo loo sii daynayo, waxaana iyadoo isla goobtaasi ay labada dhinac wada jooggaan loo diray lacagta ka maqnayd, taasoo markiiba soo afjartay cabashada ay qabeen bareyaashu.

Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada Axmed Maxamed Diiriye Toorno iyo Agaasimaha guud ee Wasaaraddaasi Cabdirisaaq Naakhuude oo halkaasi kula hadlay macalimiinta, ayaa kula dardaarmay inay sii wataan tababarka aqooneed ee ay ku jiraan, isla markaana yeeshaan Samir iyo dulqaad macalinimo.

Wasiir Toorno ayaa sidoo kale faray macalimiintan inay muujiyaan degennaan iyo dhowrsanaan, kuna qanacsanaadaan mar kasta wixii xaalad dabeeci ah ee la soo gudboonaata waxyaabaha ay uga baahan yihiin Wasaaradda.

Halkan ka Daawo Muuqaal: