Hoos ka Daawo Muuqaal: Aqoonyahanka iyo Dhalinyarada Beelaha Ibraahim Sh. Isaxaaq (Sanbuur) oo loogu baaqay Shirweyne Aayo-ka-tashi ah iyo sababta keliftay
Aqoonyahanka iyo waxgaradkan, ayaa sheegay in sidoo kale aanay xukuumaddu habayaraatee wax waxqabad ah ka fulin deegaamada ay beeshoodu degto oo ku kala yaalla gobolada, Saaxil, Togdheer, Sool, Saraar iyo Sanaag oo deegaamada qaarkood mashaariicdii laga dhagax dhigay markii ay dawladdu dhaqaajin wayday ay iyagu iskaa-wax-u-qabso ku dhisteen, iyagoo arrinta waxqabad la’aanta ku tilmaamay mid ku taariikhaysan sidii Somaliland loo dhisay aanay xuquuq waxqabad ka helin xukuumaddihii talada u kala dambeeyey.
Hase yeeshee waxa ay xooggan ugula garnaqsadeen Xukuumadda madaxweyne Biixi balanqaadyadii uu u sameeyey markii uu olollaha ku jiray oo ay tilmaameen inay ka filayeen xilal xukuumi ah iyo mashaariic horumarineed intaba. “Madaxweynuhu wuu ku mahadsan yahay inuu bilowgii Hal wasiir Beesha u magacaabay, oo aanu lahayn intaaba kordhi, laakiinse waxa nasiib-darro ah in Wasiirkii uu la noqday, cid uu ku bedelayna aanay jirin” ayey sheegeen xubnaha kulankaasi ka hadlay.
“Maanta laga bilaabo xuquuqdeeda iyo saami-qaybsigeeda waxay si toosa ugala xaajoonaysaa cid kasta oo danaynaysa, hadday xukuumad tahay iyo hadday Xisbiyo tahayba” ayey raaciyeen.
Halkan ka Daawo Muuqaal: