Fannaanadii la jeclaa ee Khadra Daahir oo Aas Qaran lagu sagootiyey

Waxa magaalada Hargeysa Aas qaran loogu sameeyey Alle ha u naxariistee fanaanadii caanka ahayd ee Khadra Daahir Cige Cali oo xalay fiidkii ku geeriyootay Cisbitaal ay todobaadkii u dambeeyey u jiiftay xanuun ku dhacay.

Aaska Marxuumada waxa ka qaybgalay Madaxweyne ku-xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil Saylici, xubno kamida golaha wasiirrada xukuumadda, bahda fanka iyo suugaanta Somaliland iyo boqolaal dadweyne ah.

Hal-abuurka waaweyn ee  Soomaalida kuwooda ugu caansan ayaa kamid ahaa ergada ka qaybgalay jinaasada marxuumadda.

Dadka ka qaybgalay aaska ayaa dhamaantood alle uga baryey inuu jannada ka waraabiyo.

Waxa ay marxuumadda ku tilmaameen qof marwo ah, naxariis badnayd, isla markaana aad looga jeclaa guud ahaan dhulka Soomaalida.

Alle ha u naxariisto’e marxuumad Khadra Daahir Cige waxay dhalatay sanadkii 1958-kii, waxaanay ku barbaartay Magaalada Hargeysa oo ay fanka kaga biirtay.

Fanka  waxay ku biirtay iyadoo aad u yar sanadkii 1974-kii.

Khadra waxay qaadday ku dhawaad 250 Heesood, heeseheedana waxa ay u badan yiihin kuwo aan dhicin ilaa hadda, mararka qaarna khadra waxaa heeseheeda laga sameeyaa sheekooyin.

 Fannaanadda caanka ah ee Khadro Daahir Cige ,waxay fanka ku soo gashay oo ay qaadday heesteedii ahayd “Afka lagama sheegto adigoon jacayl arag.”

Marxuumaddu waxay ahayd Marwo Qoys ah oo dhaqan, waxaanay Ifka kaga tagtay oo ay dhashay 5 Ubad ah. saddex wiil iyo laba Gabdhood.

Sanadihii dambeeyey waxay ku noolayd magaalada Hargeysa, waxaanay ka tirsanayd Kooxda Fanaaniinta Qaranka.

Fanka waxay joojisay sanadkii 2004, waxaanay wakhti u qaadatay cibaadada alle, iyadoo inta la ogyahay saddex jeer Xajka tagtay.