Xukuumadda Somaliland daah-furtay qabyo-qoraalka Siyaasadda iyo xeerka wax-wada-lahaanshiyaha Ganacsiga ‘PPP’ oo muhiim u ah Maalgashiga Dalka

Hargeysa(GNA)-Magaalada Hargeysa waxa ka furmay kulan wada-tashi ah oo lagu falanqeynayo qabyo-qoraalka 1aad ee xeerka wax-wada-lahaanshiyaha Somaliland (Public, private partnership) oo ay diyaarisay wasaaradda horumarinta maalgashiga iyo wershadaha oo sidoo kale qabanqaabisay madasha maanta lagu daah-furay mashruucaasi oo ahmiyad weyn u leh qaranka.

Kulankan waxa ka qaybgalay dhamaan Hay’adda dawladda ee ku shaqada leh arrimaha ganacsiga iyo dhaqaalaha, shirkaddaha Ganacsiga, aqoonyahanno iyo daneeyayaasha  maalgashiga, kuwaasoo loogu soo casuumay si ay arragti iyo aqoonba ugu biiriyaan Siyaasaddan iyo xeerkan  oo  curintooda iyo diyaarintooda iyo isku duba-ridkooda ay dedaal badan gelisay wasaaradda Maalgashiga iyo wershadaha dalku.

Agaasimaha guud ee Wasaaradda Maalgashiga iyo wershadaha Md. Maxamed Cusmaan Siciid oo ugu horayn hadal ka jeediyey munaasibada furitaanka shirka, ayaa ka waramay sooyaalkii uu soo maray diyaarinta mashruucan xambaarsan siyaasadda iyo xeerka wax-wadalahaanshiyaha, fursadaha qaybta ka ahaa diyaarintooda iyo caqabadaha uu ka soo gudbay.

Agaasime Maxamed-Soomaali waxa uu sheegay inay mashruucan tacab badan gelisay wasaaraddu, isla markaana intii uu socday ay samaysay daraasado kala duwan oo la xidhiidha baahiyaha loo qabo, qaab-dhismeedka loo unkayo iyo sida ugu fudud ee loo waafajin karo dabeecadaha dhaqan-dhaqaale ee dalka.

Waxa uu intaasi ku daray in dalku baahi weyn u qabay aasaaska siyaasadda iyo xeerka wax wada-lahaanshiyaha, maadaama maalgashiga ilaha dhaqaalaha uu laf-dhabar u noqonayo, muhiimad gaar ahna uu u leeyahay is-aaminnaada maalgashadeyaasha gaarka ah iyo dawladda,sidoo kalena soo jiidasho uu u leeyahay daneeyayaasha caalamiga ah.

Xubno kamida Golaha Wasiirrada oo ay kamid yihiin Wasiirka wasaaradda horumarinta Maaliyadda Dr. Sacad Cali Shire, Wasiirka wasaaradda hawlaha guud, guriyeynta iyo Dhulka Cabdilaahi Abokor Cismaan iyo wasiir ku-xigeenka wasaaradda ganacsiga iyo dalxiiska oo halkaasi hadallo ka jeediyey ayaa soo dhaweeyey, kuna hambalyeeyey wasaaradda maalgashiga curinta iyo diyaarinta siyaasaddan iyo xeerkan muhiimka ah, waxaanay dhamaantood cadeeyeen in baahi weyn badan loo qabay.

Xildhibaanno ka tirsan Golaha Wakiillada iyo aqoonyahanno madasha ka hadlay, ayaa iyaguna dhankooda tilmaamay in wakhti hore ay ahayd in dalku yeesho xeerkan iyo kuwa lamidka ah ee halbowlaha u ah dhaqaalaha, waxaanay dhamaan ka soo qaybgaleyaasha kula dardaarmeen inay wakhti iyo dedaal badan geliyaan sidii wax midho-dhal ah looga soo saari lahaa kulankan wada-tashi.

Wasiirka Wasaaradda Horumarinta Maalgashiga iyo Warshadaha Mudane Cabdilahi Cabdirahman Aare, ayaa munaasibada ka sheegay  sababaha xeerkan iyo siyaasadda loogu mataaneeyey lafo-gurkooda madashan ay tahay in ay jiraan daneeyayaal badan oo doonaya inay maalgashi ka samaystaan dalku, sidaasi awgeed ay wasaarad ahaan culays dheeraad ah geliyeen sidii ay mar u wada dhaqaaqi lahaayeen labada mashruuc ee siyaasadda iyo Xeerku.

“maalgashiga marka laga hadlayo, nidaamka wax wada-lahaanshiyaha dawladda iyo ganacsatadu waa ka ugu saamaynta badan dhaqaajin dhaqaalaha, markaa sidaasaddan iyo xeerkan maanta aynu u joogno inaynu lafo-gurno oo aynu qodaxda ka gurnaa waxay inoo sahlayaan inuu inoo samaysmo qaybta maalgashi ee loo wada leeyahay dawlad iyo ganacsiga gaarka, wuxuu inoo sahlayaa inay is-aaminaadi timaado oo ay dawladda iyo dadkii adeegga loo qabanayey is aaminaan, mashruucani wuxuu samaynayaa kalsooni”ayuu yidhi Wasiirku.

Isagoo hadalka sii wata waxa uu intaasi ku daray in wakhti iyo dedaal badan la geliyey in mashruucani halkan  soo gaadhay.

“Meelaha ugu waaweyn ee uu sameeyo ganacsiga ay wadaaga ku yihiin  dawladda iyo ganacsatadu waxa kamida tamarta oo aynu ognahay qaylada ka taagan dalkeena maanta, Isgaadhsiinta, Caafimaadka iyo waxbarashada, markaa si aynu maalgashi ugu helno ilahaasi oo dhan waa in ay jiraan xeerkan iyo siyaasadda lagu hagayaa”ayuu raaciyey Wasiir Aare.

Halkan ka Daawo Muuqaal:

Kulanka wada-tashiga ah ayaa socon doona ilaa maalinta Axadda ee Beri.