Suxufiyiinta Maxamed Ilig iyo Cabdijibaar oo xabsiga laga sii daayey

Waxa Xabsiga dhexe ee magaalada Hargeysa laga sii daayey suxufiiyinta Maxamed Cabdi Sheikh (Illig) oo Mulkillaha Telefishanka MMSOMALI TV iyo Cabdijibaar oo ahaa madax wararka ee telefishanka Horncable maanta oo Sabti ah.

Suxufiyiintan oo ay dhawaan Maxakamadda gobolka maroodi-jeex ku xukuntay Xabsi sannad iyo dheeraad ah, loona haystay war-tebin toos ah oo ay ka sameeyeen dhacdo jeelka weyn ee Hargeysa ka dhacday bishii April, ayaa waxa sida la sheegay in cafis madaxweyne lagu sii daayey.

Labadan wariye oo markii la soo daayey warbaahinta la hadlay, ayaa sheegay inay dulmi iyo xaq-darro ku xidhnaayeen, maadaama shuruucda lagu xukumay ay ahaayeen kuwo ka baxsan xeerarka saxaafadda.

Halkan ka Daawo Muuqaal:

waxa mar lala xidhay oo xukunkuna ku wada dhacay wariye kale oo u shaqaynayey Telefishan Maxali ah.