Toos: Dabaal-degga sanad-guurrada 62aad ee Xornimada JSL 26 June 1960

Jamhuuriyadda Somaliland ayaa u dabaal-degaysa sanad-guurrada 62aad ee ka soo wareegtay markii ay xornimada ka qaadatay boqortooyada Ingiriiska sanadkii 1960-kii oo nidaam maxbiyaddeed ku maamulaysay 73 sannadood.

Munaasibadan oo sanad walba la xuso caawa oo kale, kuna beegan markii ugu horaysya ee calan soomaaliyeed oo xor ah laga aqoonsado adduunka iyadoo lagu jiray gu’gii xoriyadda Afrika, ayaa waxa xaflad lagu weynaynaayaa ka socotaa qasriga madaxtooyada Jamhuuriyada Somaliland ee Hargeysa, halkaasoo ay ku sugan yihiin madaxweynaha, ku-xigeenka, madaxda goleyaasha qaranka iyo labeenta dalku.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Md. Muuse Biixi Cabdi ayaa ka jeedin doona khudbad la xidhiidha ahmiydda ay maalintani u leedahay Somaliland.

Halkan ka Daawo Muuqaalka Xaflada ee Tooska ah: