Musharax Cirro oo ka waramay booqasho ay ugu tageen siyaasiyiinta ka xidhan Mucaaridka

qoraal lagu baahiyey warbaahinta Xisbiga WADDANI oo uu qoray Musharaxa madaxweyne ee Xisbigaasi Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi Cirro, ayuu kaga waramay booqasho ay maalintii shalay ugu tageen 14 xubnood oo laga xidhay asxaabta mucaaridka bishan horaanteedii.
Cirro, ayaa qoraalkiisa ku sheegay inay xaq-darro ku xidhan yihiin siyaasiyiintaasi oo uu ku jiro guddoomiye ku-xigeenkii xisbigaasi Axmed Cumar Xaaji Cabdilaahi Xamarje.
Waxaanu qoraalka Cabdiraxmaan Cirro u dhignaa sidan:
” Wafdi aanu hoggaamineyno anniga iyo Guddoomiyaha Xisbiga WADDANI, waxa aannu shalay ku booqannay Xabsiga weyn ee Mandheera 14 xubnood oo isugu jira Siyaasiyiin Xisbiyada Mucaaradka ah iyo Suxufiyiin sifo sharci darro loo xidhay 9kii June 2022, ilaa maantana wax dambi ah aan lagu soo oogin, laguna caddeyn, una xidhan siyaasad, annaga oo u kuurgalnay xaaladdahooda guud, caafimaadkooda, iyo goobta ay ku xidhan yihiin, waxaa runtii na dhiirrigeliyey sida uu qabkooda iyo hankoodu u sarreeyey.
Mas’uuliyiinta Xisbiyada Mucaaradka ah ka xidhxidhan waxa ay farriin dhiirrigelin ah noogu soo dhiibeen Shacabkooda u ooman isbeddelka ku dhisan sinnaanta & Caddaaladda oo ahayd in aan halganka badbaadinta dalka aan la kala joojin, isla markaana lagu dhabar adeygo duruuf kasta oo halgankaasi leeyahay, mas’uuliyiintaasi waxa ay ku xidhan yihiin xaqdarro iyo siyaasad, waana tacaddi ka mid ah kuwa lagula kacay muwaadiniinta tiro beelka ah ee Somaliland ee isbeddel doonka ah.
Waxa aannu dedaal aan kala joogsi lahayn ugu jirnaa siideynta dhammaan xubnaha caddaalad-darrada u xidhan dhawaanna waa ay heli doonaan xorriyaddooda. Xadhigga iyo foolxumooyinka isa soo taraya ee maalinba midi soo baxayso waa dhegxumooyin aan Somaliland looga baran lagana filayn, tacaddiyadii dhacay dhawaan, waxa ay dhaawaceen magacii, haybaddii, muunaddii iyo meeqaamkii ay Somaliland kusoo gaadhay sumcaddii ay caalamku uga markhaati kaceen ee lagu majeeran jiray ee dedaalkoodu la biirinayey 31kii sanno ee ay Jamhuuriyadda Somaliland jirtay.
Waa nasiib-darro iyo aayo xumo in maanta saaxiibadii aan caalamka ku lahayn inoogu gooddiyaan ama innagu waaniyaan inaan deriskeenna ku cibro qaadanno! “