Ergada dhexdhexaadinta Xukuumadda iyo Mucaaridka oo ka digay in la carqaladeeyo

Guddida isku-dhafka ah ee madaxdhaqameedka iyo Golaha guurtida ee dhexdhexaadinta khilaafka u dhexeeya Xukuumadda iyo asxaabta mucaaridka oo warbaahinta kula hadlay magaalada Hargeysa ayaa sheegay inay hawshu si fiican ugu socoto, isla markaana naqdiyey hadallo ka soo yeedhay masuul ka tirsan madaxda goboleed ee xukuumadda.

Guddidan oo Sabtida maanta shir jaraa’id qabtay, ayaa muujiyey kalsooni iyo wada shaqayn dhexdooda ah iyo inay hawshu meel fiican u marayso, cid kasta oo carqaladaysaana lidi ku tahay aslaaxa iyo wanaaga qaranka iyo umadda Somaliland.

Suldaan Ismaaciil Suldaan Cabdiraxmaan oo kamida xubnaha guurtida ku metelaya guddida iyo xubno kale oo shirka jaraa’id ka hadlay, ayaa shacbiga Jamhuuriyadda Somaliland uga mahad-naqay dareenka garab joogga iyo taageerada ah ee ka soo gaadhaya.

“guddidii iskood isu xilqaamay ee madaxdhaqameedka, ganacsatada iyo culimo awdiinka ahayd ee is abaabulay markii dalku xarajka galay iyo guddidayadii guurtidu waxaanu ka midaysanahay in aanu nabad ka dhalino, in aanu walaalnimo ka dhalino, in aanu wanaag ka dhalino, waxaanu ka midaysanahay in aanu shaqo wada qabano, in aanu wax wada qabano sidii uu dalkeenu u noqon lahaa dal jira oo nabadgelyo ah oo walaalo ah”ayuu yidhi Xildhibaan Suldaan Ismaaciil Suldaan Cabdiraxman.

Isagoo hadalkiisa sii wata waxa uu intaasi ku daray “waxaanu aad iyo aad u cambaaraynaynaa cid kasta oo na kala qaad-qaada war aan naga soo bixina suuqa gelisa, hadday xildhibaanno tahay, haddii ay xukuumadda yihiin, haddii ay mucaaridka yihiin iyo hadday shacbiga  tahayba inta arrinku gacantayada ku jiro hanala  sugo ayaanu leenahay”

Xildhibaan Ismaaciil wuxuu naqdiyey hadal ka soo yeeshay xildhibaan ka tirsan Golaha Guurtida oo maanta hadlay “saaka waxa hadlay nin xildhibaan ah oo golahayaga ka tirsan wax alaalle wax ka jiraa ma jiro waxaas uu yidhi, guddi la kala diray ma jirto, guddi la kala qaybiyeyna ma jirto guddi isku dhan oo hawl wada wada ayaanu nahay”ayuu sii yidhi Mudane Suldaan Ismaaciil.

xubno kamida guddida oo halkaasi iyaguna hadallo ka jeediyey, ayaa ka digay in la carqaladeeyo hawsha ay gacanta ku hayaan ee maslaxada umadda ah.

Halkan ka Daawo Muuqaal:

Guddidan ergada ah ayaa hore ula kulmay dhinacyada siyaasadda isku khilaafsan ee mucaaridka iyo xukuumadda oo uu madaxweynuhu ugu sareeyo.