Golaha Baarlamaanka Somaliland iyo waajibaadka ay qaranka u hayaan..?W/Q. Axmedyasin M. Jamac

Ugu horayn golaha wakiilada iyo masuuliyiinta laamaha dawladdu marka ay wada shaqayn dhex marayso ama ay iska waraysanayaan hawlaha qaranka, waxaan kula talin lahaa inay laba arimoodba iska ilaaliyaan:

1. kamarada sida tooska ah ay usoo gudbinayaan waa inay joojiyaan.

2. In isla xisaabtanka oo ah waajibaad sharci ah laga ilaaliyo aflagaado, shaqsi weerar oo lagu koobnaado suaalo iyo soo jeedin ku saabsan hawlahaa shaqo qaran ee la isugu yimid ee ah in la isla eego sida hawlahaa qaran ay hay’adaasi ama wasaaradaasi u hayso qaranka

 

Baarlamaanku waa hay’ad sharci oo ka mid ah saddexda qaybood ee ay dawladdu ka kooban tahay, isla markaana ah inay yihiin sharci-dejin, halka labada kale ay yihiin Fulin iyo Garsoorka.

 

Sababta ay dawladi uga kooban tahay sadexdaa aynu sheegnay ayaa ah in la helo Is-Dheeli-tirid’ ama “Check and Balance”.

 

Hadii si kale aynu u sheegno waxay ka dhigan tahay in shuruucda lagu dhaqmayo ay dejiyaan Baarlamaanku, Xukuumaddana ay fuliso, halka Garsoorkana shaqadiisu tahay in sharciyada la dejiyay ee xukuumadu fulisay ee baarlamaanku sharciyeeyay uu garsoorkuna dhaqan geliyo.

 

Guud ahaan shaqooyinka Baarlamaanka waxaa ugu waaweyn shan qodob ama shaqo oo kala ah:

 

1. Kormeerka iyo toosinta shaqada Xukuumadda (iyagoo guddiyo isu qaybinaya).

 

2. Ansixinta Barnaamijyada Xukuumadda oo dhan oo ay ku jirto Miisaaniyadda qaranku.

3. Saameynta iyo wax ka beddelka Shuruucda oo uu ku jiro Dastuurka dalku hadii loo baahdo in wax laga bedelo.

4. Matalaadda Shacabka soo doortay oo ay si dhab ah u matalaan.

5. Ka doodidda arrimaha muhiimka ah ee maalin laha ah Iyo arin kasta oo dalka ka jira.

Aynu soo qaadano qodobka koowaad ee kormeerka Iyo toosinta xukuumada oo runtii ah qodob muhiim u ah qaranka guud ahaan, ayaad moodaa in looga hawl galay si aan munaasib Iyo sharci toona ahayn ama aan la fahansanaynba habkii ama nidaamkii sharci ee ay ahayd in loo guto, waxaa lagu bilaabay si aad u qalafsan isla markaana ka baxsan hab dhaqanka golaha isla markaana baal marsan ama ka soo horjeeda nidaamkii sharci ee loo jiheeyay in loo guto. 

Waxay kormeeekii Iyo toosintii xukuumada ay ku bilaambantay aflagaado, shaqsi weerar iyo suaalo ka baxsan mawduucii laga hadli lahaa. 

Waxaad moodaysay in labada dhinac ee is waraysanayay ay ahaayeen qaar aan ku soo talo gelin arinkay meesha u yimaadeen oo ahaa isla xisaabtanka shaqada qaranka loo hayay, waxaa ka muuqatay labada dhinacba inay ahaayeen qaar cadho hore Iyo xurguf siyaasadeed u dhaxaysay, waxaa kale oo ii muuqatay in labada dhincaba aanay u soo diyaar garoobin in si dhaba ay isu waraystaan ama u gutaan waajibaadkooda qaran.

Tusaale waxa koowaad waxaa uu ahaa suaal kolay inaga wada yaabisay oo ahayd suaal nin xildhibaan ahi weydiiyay ninkii maamulayay hay,adaa uu wax ka weydiinayay shaqada ay qaranka u hayaan, suaashaasi waxay ahayd in uu xildhibaanku weydiiyay dhacdo ama arin dhacay ama uu yidhi gudoomiyaha la waraysanayay sanadkii 2008. Taas oo ahayd mid ka baxsan suaalihii Iyo hawlahii qaranka ee la isugu yimid in la isla eego siday u socdaan, ahaydna runtii waqti fog oo laga joogo 14 sano oo aan ka wax waraysanayay Iyo ka la waraysanay midna aanu xilkan ama xil kale u hayn qaranka. 

Waxaa kale oo iyana runtii ahayd arin lala yaabo isla markaana khalad weyn ahayd in ninka gudoomiyaha ah ee la waraysanayay uu garan waayay suaal basics ama aasaasi ah kuna saabsanayd ama kow ka ahayd hawshaa Iyo shaqadaa qaran ee gudoomiyahu masuulka ka ahaa.

Qaranka ayay muhiim u tahay In la helo ama uu dhaco isla xisaabtan dhab ah oo ku saleysan danta-guud ee qaranka si diiradda loo saaro in la ogaado habsami u socodka shaqo Iyo waajibaadka gaar ka ah ee ay hay’ad ama wasaaradi u hayso qaranka ayaa ah mid muhiim u ah qaranka, taasoo keenta in la saxo wixii qalad ah ee ka soo baxa hay’adaa qaran ee la waraystay si sharciga waafaqsan, kulanada noocan ahi waa mid lagu ogaanayo in shaqadii qaranka ay hay,adaasi ama wasaaradaasi u haysay qaranka ay u socoto sidii loogu talo galay, isla marka natiijadaa laga ogaadana ay timaado soo jeedin iyo talooyin suurto galiya in hawlaha qaranka loo hayo loo qabto siday ahayd, soo jeedintaa, saxidaa Iyo talooyinkaa oo laga reebayo ama aan ahayn qaar siyaasadeysan ama ay dano gaar ahi ka dhex guuxeyso sida aynu imika aragnay.

Xildhibaanada waajibaadkoodu waa badan yahay, waxaa ka mid ah inay tagaan oo kormeeraan deegaanka laga soo doortay Iyo kuwa aan laga soo dooranba, si ay ula wadaagaan howlaha dawladda iyo siyaasadda guud ee dalka, isla markaana ay dhegeystaan tabashada shacabkooda soo doortay soona ururiyaan wixii cabashooyin ah Iyo afkaartooda dabadeedna ay xogahaa ay uruuriyeen talo ahaan ugu la noqdaan xukuumadda si loo saxo ama wax looga qabto xogahaa Iyo arimahaa ay soo ururiyeen, iyadoo isla markaa xildhibaanku ka mid noqonayo xalinta arinkaas Iyo sidii sharci ama soo jeedin looga soo saari lahaa arinkaas.

Waa in Xildhibaanadu ay shaqadooda u gutaan iyagoo fahamsan doorka Iyo waajibaadka xildhibaanimo si waafqsan sharciga Iyo dastuurka qaranka.

Mushkilada kale ee iyana jirta ayaa ah in aanay shacabku iyaguna fahansanayn wixii ama waajibaadkii ay u doorteen kana rabeen Xildhibaanada Iyo ogaansho la,aantooda in shacabka laftoodu xaq u leeyihiin in ay la xisaabtami karaan xildhibaanada ay iyagu soo doorteen.

Waxaa aad u muhiim ah in shicibku ay bartaan shaqada Baarlamaanku qaranka u hayo, shaqooyinkaa Iyo waajibaadkaa oo aan intooda badan ama muhiimka ah aan halkan ku sharaxnay intii karaankeena ah, oo ay wax ka maqnaan karaan.

Marka laga reebo shantaa qodob ee ee aynu kor kusoo akhrinay, waa maxay waajibaadka kale ee saaran golayaasha qaranka? Waajibaadka golaha iyo gole waliba waxa uu si buuxda ugu qeexan yahay dastuurka qaranka, waxaase ka mid ah, inta aan xasuusto

1. Waxa waajib ah inuu oggolaansho ka helo Golaha Wakiilada shaqsi ama xubin kasta oo loo magacaabo xilal qaran sida Wasiir, Wasiir-ku-xigeen, iyo Madaxda Hay’adaha Dawladda, iyadoo la raacayo Dastuurka.

2. Golaha Wakiiladu waxa kale oo uu awood u leeyahay ka doodista, wax -ka­sheegista, celinta ama diidmo sababaysan iyo ansixinta xil qaran ama barnaamij xukuumadu keento.

3. Golaha Wakiiladu waxa uu ansixiyaan ama celiyaan heshiisyada dawliga ah ee ay ka mid yihiin kuwa siyaasadeed, dhaqaale iyo nabadgelyo ama kuwa keenaya culays maaliyadeed oo cusub oo aan ku soo aroorin miisaaniyadda, ama keenaya soo­ saarid ama wax-ka beddelid qaanuun.

4. Golaha Wakiiladu waxa uu u Golaha Xukuumadda u gudbiyaa tallooyin iyo tilmaamo ku saabsan siyaasadda guud ee hogaaminta qaranka.

5. Waxa kale oo wakiiladu awood u leeyihiin-soo rogida xukun deg-deg ah qaybo ka mid ah dalka, iyadoo xukuumaddu waydiisanayso ogolaansho labada Gole (Golaha Wakiilada & Golaha Guuritda).

6. Golaha Wakiiladu waxa uu awood buuxda u leeyahay inuu u yeedho madaxda Xukuumadda ama hay’adaheeda iyo wakaaladaheeda, si uu wax uga waydiiyo gudashada xilkooda Iyo hawlaha ay qaranka u hayaan

7. Guddiyada Golaha Wakiiladu waxay awood u leeyihiin in ay Wasiirka ama madaxda hay’adaha Dawladda ama madaxda sare ee kale ee Qaranka ee hawshoodu khusayso, in ay wax ka waydiiyaan gudashada xilkooda.

Awoodda Xeer-dejinta ee Goluhu waa in ay sidoo kale gaadhsiisnaataa arrimaha maaliyadda ee soo socda:­ 

Jideynta cashuuraha, takaaliifta, iyo tallaabooyin kasta oo kor Ioogu qaadayo dakhliga guud ee qaranka.

Asaasidda kaydka dakhliga Somaliland ama kaydad kale oo loo qoondeeyey xaalado gaar ah. 

Hababka loo maamulaayo, loogu ururinayo ama looga bixinayo waxaa maamula ama nidaaminaya xeer. 

In Ia daabaco lacag, lana soo saaro shahaadooyin rahmadeed, iyo kuwa kale oo leh qumo dammaanadeed.

Habaynta nidaamyada dhaqaale iyo kuwa lacageedba.

Golaha Wakiiladu waxa uu ka doodi karaa, waxna ka beddeli karaa miisaaniyadda, kuna ansixinayaa go’aan Gole. Haddii ansixinta miisaaniyadda cusubi dhammaan weydo ka hor bilowga sannad- maaliyadeedka cusub, waxa lagu dhaqmayaa miisaaniyaddii hore inta ay ka soo baxayso miisaaniyadda cusubi.

Golaha Wakiilada ayaa oggolaanaya gelidda kharash kasta oo aan miisaaniyadda ku jirin.

Xeer ayaa caddaynaya habka soo diyaarinta miisaaniyadda guud iyo sannad­ maaliyadeedka.

Xeer ayaa caddaynaya miisaaniyadda iyo xisaab-xidhka hay’adaha, wakaaladaha dawladeed ama kuwa ay wax ku leedahay iyo u soo bandhigidooda Golaha Wakiilada.

Waa waajib u soo bandhigidda Golaha wakiikadu xisaab-xidhka sannad ­maaliyadeedkii dhammaaday muddo aan ka badnayn lix bilood oo ka bilaabanta taariikhda dhammaadka sannad-maaliyadeedka, iyadoo Golaha Wakiilladu ka doodayo, go’aanna ka soo saarayaan.

Sidoo kale bandhigidda xisaab-xidhka miisaaniyadda waxa u xilsaaran Hanti­dhawraha Guud.

Arimahaa aynu soo sheegnay ayaa ah waajibaadka laga sugayo golaha baarlamaanku inay u gutaan si sharciga qaranka waafaqsan oo aan ahayn qori ku taag, aflagaado Iyo cay shaqsi Iyo luqad aan munaasib ku ahayn golayaashii qaranka Iyo qarankii ay matalayeenba.

 

Hadaba marka ay jiraan awoodahaa baaxada leh ee golaha wakiiladu leeyahay, isla markaana la jideeyay hab iyo nidaam sharciyaysan oo loo maro ama loo guto waajibaadkaa qaran, maxay tahay sababta keentay in ay timaado aflagaado, gacan ka hadal iyo suaalo ka baxsan hawshaa qaranka ee la isugu yimid in la isla eego ama wax la iska weydiiyo? Miyaan la odhan karin waa faham la,aan baahsan iyo sharcigii oon la akhriyin ama la fahmin.

Ugu danbayn waxaan ku talin lahaa in kamaradaha sida tooska ah bulshada loogu soo gudbinayo akhkaaqiyaadka noocan aynu aragnay imika la mamnuuco, inta laga gaadhayo waqtigii munaasibka ahayd ee la isula xisaabtami lahaa sidii la rabay in ay isu la xisaabtamaan hay’adaha qaranku.

 

Hay’adaha qaranka oo dhan waxaa ku waajiba inay waajibaadkooda ay qaranka u hayaan u gutaan si aan shicibkana khalkhal Iyo niyad jab ku keenayn, isla markaana waafaqsan sharciga qaranka u yaal.

Ahmed-Yasin Mohamed Jama