Guddida Nashqadaynta Qaranka oo xaddiday korodhka xuduuddaha Magaalooyinka, dibna u cusboonaysiiyey xayiraadii Qorsheynta Hargeysa, Berbera iyo Burco

19-06-2022 Hargeysa(Dawan)- Shirkii Gudida Naqshadeynta Qaranka Oo Saaka Shir Yeeshay, Isla Markaan Uu Shirgudoomiyey Gudoomiyaha Gudida Naqshadeynta Qaranka Somaliland Ahna Wasiirka Hawlaha Guud, Dhulka Iyo Guryeynta Mudane C/laahi Abokor Cismaan Ayaa Saaka Shirkoodu Ka Qabsoomay Hoolka Shirarka Ee Wasaaradda Hawlaha Guud, Dhulka Iyo Guryeynta.
Kulankan Saaka Ay Yeesheen Gudidu Ayaa Ka Qabsoomay Hoolka Wasaaradda Hawlaha Guud, Dhulka Iyo Guryeynta, Waxa kasoo Baxay Qodobaddan Hoos Ku Xusan.
1. Gudidu waxay go’aamisay in lasii wado xayiraadii saarnayd Qorshaynta Beeraha iyo bixinta Dhulka Magaalooyinka mudo lix bilood ah, Magaalooyinkii ay hore usaarnayd Xayiraado, ee kala ahaa Hargeysa, Burco Iyo Berbera, ilaa inta Wasaaradda Hawlaha Guud,Dhulka Iyo Guryeyntu usameysnayso Qorshe Magaaleed ‘’Master Plan’’.
2. Gudidu waxay go’aamisay in shir aan caadi aheyn soo Agaasimto Wasaaradda Arimaha Guduhu, kulankaas oo ay iskugu keenayso Gudida Naqshadeynta Qaranka, kuna saabsanyahay Maps-kii Beeraha Ee Dawladda Hoose ee Hargeysa baadhitaanka ku sameysay.
3. Gudidu waxay go’aamisay In Qorshe Qaran laga yeesho Taawaradda dhexdaadsan Magaalooyinka, kulan gaar ahna yeeshaan Golayaasha Deegaankaa Iyo Wasaaradda IsgaadhsiintaIyo Tiknoolajiyada si loogu diyaariyo goobo ku haboon.
4. Gudidu waxay soo saartay in xuduudaha Magaalooyinku aanay dhaafi karin 5-km, kolba halka dhimuhu ku joogo, si waafaqsan Xeerka Maamulka Dhulka ee Xeer- No 17.
5. Gudidu Sidoo Kale Waxay Mamnuucaday In Magaalooyinkaas La Qorsheynayo ee Kala Ah Hargeysa, Burco Iyo Berbera, Inaan La Qorsheyn karin Buuraha, Jeexjeexyada, Dooxyada Iyo Bababcyada ku yaala Magaalooyinkaas, Dawladda Hoose Ee Hargeysa Maamnuucdo Qorsheynta goobahaas.
6. Gudidu waxay ay go’aamisay in waddo cabirkeedu yahay 12-m u dhaxayso madaha ‘’xuduuda’’ labadii Beerood ee iskuxigaba Dalka oo dhan.
7. Gudidu waxay go’aamisay in Guddi ka kooban Wasaaradda Arimaha Gudaha Iyo Wasaaradda Hawlaha Guud, Dhulka Iyo Guryeynta ay kasoo talo bixiyaan qaab dhismeedka, Iyo Madax banaanida Maaliyadeed, Ee Gudida Ka Garnaqa Dacwadaha Dhulka.
ALLAA MAHAD LEH
C/kariim Maxamed Guuleed
Agaasime Ku Xigeenka Waaxda Warbaahinta Iyo Xidhiidhka Goboladda Ee Wasaaradda Hawlaha Guud, Dhulka Iyo Guryeynta JSL.
DHAMAAD