Wasaaradda Maalgashiga Somaliland qabatay madal Kulmisay Dawladda, Ganacsatada iyo Maalgshadeyaal Sucuudi ah

Kulan muhiim ah oo dhex maray Xukuumadda Somaliland, Ganacsatada iyo wefti sare oo ka socda Sucuudiga, ayaa  sabtida maamta Assod Hotel ka qabsoomay, kaas oo ay ka soo qayb galeen Wafti Heer sare ah oo ka socda Dawlada Boqortoyada Sacuudi Carabiya, soona qabanqaabisay wasaaradda horumarinta maalgashiga iyo Warshadaha JSL.

Weftiga ka socda Sucuudiga oo uu Hogaaminayey H.E Abdulsalam Al-Enezi, ayaa ah Daneeyayaal xaga Maalgashiga oo is kugu jira Masuuliyiin ka socda Dawlada Boqortoyada Sucuudi Carabiya iyo Ganacsato, waxaanay dalka soo gaadheen khamiistii la soo dhaafay, iyaga oo booqday goobo muhiima oo ay xukuumaddu u qorshaysay inay ka hirgeliso mashaariic wax soosaar, sida Banka Wajaale oo kamida aaggaga dalaga beeraha iyo cuntada.

Kulankan balaadhan waxa ka qayb galay Masuuliyiin sare oo ka tirsan Xukuumadda iyo Ganacsatada Dalka.
Masuuliyiinta ka qaygalay waxay kala ahaayeen;

1. Wasiirka Wasaarada Hormarinta Maalgashiga iyo warshadaha Mudane Cabdulahi cabdiraxmaan Aare.
2. Wasiirka Isgaadhsiinta iyo Technology-yada.
3.Wasiirka Macdanta iyo Tamarta.
4.Wasiirka Horumarinta Beeraha.
5.Wasiir ku xigeenka Xanaanada Xoolaha iyo Kaluumaysiga.
6.Gudoomiyaha Koomishanka Tamarta.
6. Agaasimaha Guud ee Wasaarada Hormarinta Maalgashiga iyo Warshadaha Mudane Maxamed Cismaan Siciid (M,Soomali).
9.Agaasimaha Guud ee Wasaarada Ganacsiga iyo Dalxiiska.
10.Agaasimaha Guud ee Wasaarada xanaanada, Xoolaha iyo Kaluumaysiga.

Kulankan ayaa lagaga hadlay Muhiimada iyo Faa’idooyinka Fursadaha Maalgashi ee ka jira Dalka iyo sidii Dalka Sucuudi Carabiya aynu is kaga kaashan lahayn Maalgashi Caalami ah.

Xubno kamida Ganacsatada Somaliland iyo xubnaha weftiga ayaa soo dhaweeyey shirkan, kuna tilmaamay mid furre u noqon doona iskaashiga Ganacsiga iyo kaabeyaasha Dhaqaalaha ee labada Dal.

Wasiirrada iyo masuuliyiinta kale ee madasha ka hadlay, waxay iyaguna ka warameen ahmiyadda weyn ee ay xukuumaddu siinayso horumarinta ganacsiga iyo maalgashiga, waxaanay tilmaameen inay xukuumaddu mar walba diyaar u tahay isku-xidhka maalgashadeyaasha caalamka iyo ganacsatada dalka, isla markaana gacmo furan iyo siyaasad hufan ku soo dhaweynayso daneeyayaasha Maalgashanaya illaha dihin ee waddanka.

Waftigan ayaa ku sii Sugnaan doona Dalka Maalmaha soo socda si ay ugu Kuurgalaan Fursadaha Maalgashi ee ka jira.