Xukuumadda Somaliland oo qaabishay wefti culus oo ka socda Sucuudiga iyo goobo ay booqdeen

Hargeysa-(GNA)- Wasiirrada wasaaraddaha horumarinta Maalgashiga iyo Beeraha, agaasimaha guud ee wasaaradda wershadaha iyo wefti isugu jira masuuliyiin dawladdeed iyo ganacsato ka socda dalka boqortooyada Sucuudiga, ayaa booqasho indho-indhayn ah ku tegay Banka Wajaale ee gobolka Gabiley maanta oo jimco ah, halkaasoo la doonayo in laga fuliyo mashaariic dhinaca beeraha ah.

Weftigan waxa gobolka gabiley ku soo dhaweeyey Maayarka degmada Gabiley iyo maamulka gobolkaasi, waxaanay soo dhaweynta kaddib booqdeen mashruuca banka wajaale oo ay wakhti ku qaateen.

Weftiga ka socda boqortooyada Sucuudiga oo ka kooban 16 xubnood oo isugu jira masuuliyiin xil ka haya xukuumadda Sucuudiga iyo ganacsato maalgashadeyaal ah oo dalkaas u dhashay, ayaa waxa dalka ku soo dhaweeyey Wasiirka wasaaradda horumarinta maalgashiga Cabdillaahi Cabdiraxmaan Aarreh oo uu weheliyo Agaasimaha guud ee wasaaraddaasi Maxamed Cismaan Saciid (Maxamed Soomaali), khamiistii ina dhaaftay, waxaana ujeedada booqashadoodu la xidhiidhaa indho-indhayn iyo u kuur-gal ilaha maalgashiga Jamhuuriyadda Somaliland.

Soo dhaweynta kaddib , waxa casho sharaf loogu sameeyey magaalada Hargeysa, munaasibad ay ka qaybgaaleen xubno kamida golaha Wasiirrada iyo masuuliyiinta hay’addaha madaxabanaan ee xukuumadda, taasoo madaxda ka qaybgashay ay kamid ahaayeen Wasiirrada wasaaraddaha Arrimaha Gudaha, Arrimaha Dibadda & Iskaashiga caalamiga ah, Horumarinta Gaadiidka & jidadka, Horumarinta Biyaha, Gudomiyaha Komishanka Tamarta, Gudomiyaha rugta ganacsiga iyo xubno ka socday ganacsatada Somaliland.

Wasiirka Maalgashiga Md. Cabdillaahi oo hadal ka jeediyey munaasibada ayaa sheegay in Wasaarad ahaan iyo xukuumada ay farxad u tahay inay dalka yimaadaan weftigan Sacuudiga oo hadafkoodu yahay maalgashi ay dalka ku sameeyaan.

waxaanu yidhi “Wefdigan oo ka socda dalka Sacuudiga ayey qeyb ka yihiin ganacsato dhinacyo kala duwan xoolaha, warshadaha, iwm, muddo afar maalmood ayey dalka joogi doonaan, ay ku indhoindheynayaan fursadaha maalgashi ee dalka ka jira.
Md. Aare ayaa sheegay inuu yahay weftigani kii noociisu ugu horeeyey maalgashedeyaal dalka Sacuudiga ka socda ee booqasho ku yimaada dalka.
Wasiirka intaasi ku daray in wadamadda Khaliijka oo cilaaqaad ganacsi ka dhexeyn jiray dalkeenu ay dib u fahmeen fursadaha maalgashi ee ka jira Somaliland, sida wadamadda kale caalamka, diyaarna u yihiin inay maalgashi ku sameeyaan Somaliland.

Mr. Cabdisalaan, masuulka hogaaminayey wefdiga oo hadal ka jeediyey xaflada, ayaa bogaadiyey sida loogu soo dhoweeyey dalka, isla markaana sheegay inay xog-ogaal u noqon doonaan fursadaha ganacsi iyo maalgashi ee ka jira Somaliland.

Dhinaca kale, weftigan oo ay hogaaminayeen Wasiirka wasaaradda Maalgashiga Mudane Abdilahi Abdirrahman aarreh, Wasiirka Wasaaradda Horumarinta Beeraha Mudane Mohamed Cismaan jaamac iyo Agaasimaha Guud Ee Wasaaradda Horumarinta Maalgashiga Mudane Mohamed Osman Saeed, ayaa gaadhay gobolka gabiley oo ay si diirran ugusoo Dhaweeyeen Maayarka Degmada gabiley Mudane mohamed Amiin Cumar Cabdi iyo masuuliyiin kale.

Weftigu waxa ay soo indho-indheeyeen Banka wajaale oo mashaariic maalgalin xagga beeraha ah laga fulindoono haddii alle ka dhigo, kana mida goobaha u dihin maalgashiga dalka Jamhuuriyadda Somaliland.

Weftigan ayaa waddanka joogidoona muddo 5 cisho ah, iyaga oo aad u danaynaaya fursadaha maalgashi Ee waddanka ka banaan ee la maalgashankaro sida Maalgashiga Beeraha, tamarta, kalluumaysiga iyo xoolaha nool.