Madaxweyne Biixi oo furay Mashaariic, kuwo kalena kormeeray Ceerigaabo

Ceerigaabo-14-06-2022-( GNA)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi oo safar shaqo maalintii saddaax ku jooga gobolka Sanaag, ayaa maanta xadhigga ka jaray dhismeyaal kala duwan oo ay xukuumaddu ka hirgelisay gudaha magaalada Ceerigaabo.
Madaxweynaha, ayaa xadhigga ka jaray dhismeyaal cusub oo ay kamid yihiin xeer ilaalinta gobolka iyo maxkamadda gobolka oo dhismeyaal cusub lagu kordhiyey, dib-u-habaynna lagu sameeyey, Dhismaha xarun ballaadhan oo loo bineeyey ciidanka Birmadka iyo laba saldhig oo cusub oo loogu talo galay ciidamada Booliska ee ka hawlgala gudaha magaalada Ceerigaabo ee xarunta gobolka Sanaag.
Masuuliyiinta maamulka goobaha uu madaxweynuhu xadhigga ka jaray, ayaa weftiga warbixin ka siiyey muhiimadda ay qaranka u leeyihiin dhismeyaashani iyo kaalinta ay xukuumaddu ka qaadatay hirgelintooda, waxana ay ku ammaaneen madaxweynaha sida uu ugu hagar baxay sidii ay dhismeyaashaasi u dhammaystirmii lahaayeen.
Masuuliyiinta ayaa intaa ku daray in horumar balaadhan lagu sameeyey xarumaha muhiimka u ah adeegyada aasaasiga ah iyo nabad-gelyada, waxqabadkuna siyaabo kala duwan uga socdo gobolka guud ahaan.
Madaxweynaha ayaa dhankiisa ku hambalyeeyey madaxda laamaha dawladda fulinta mashaariicdan, waxaanu ku booriyey inay halkaasi ka sii wadaan.
Dhinaca kale, madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, waxa uu kormeeray dhisme cusub oo dhawaan loo hirgeliyey xarunta miiska saraakiisha ee ciidanka qaranka iyo jaamacadda dawladda ee Sanaag University oo waxbarashadeedu si habsi leh u socotay, waxana uu kulamo la qaatay, warbiximona ka dhegaystay maamulka jaamacadda, kuwaas oo madaxweynaha uga mahadnaqay sida uu ugu hagarbaxay inay jaamacaddu noqoto mid dhamaystiran oo wax kastaaba u dhammaystiran yihiin, isaga oo mid mid u galay fasallada jaamacadda oo ay waxbarashadu ka socoto.
Guddoomiyaha jaamacadda Sanaag University, Mudane Cali Cabdi Hurre oo halkaas kelmedo kooban ka jeediyey, ayaa madaxweynaha ugaga mahadnaqay sida uu garab istaagay baahiyaheeda kala duwan, waxana uu caddeeyey in tirada ardayda jaamacadda dhigataa marba marka ka dambaysa sii kordhayso.
Jaamacadda kale ee Daalo ee magaalada Ceerigaabo oo dhismaheedu gebgebo marayo, islamarkaana ah waqfi uu muwaaddin gobolka kasoo jeedaa ku deeqay, ayuu madaxweynuhu kormeeray, waxana uu halkaas kula kulmay maamulka gacanta ku haya, kuwaas oo sharraxay halka dhismuhu marayo iyo sida ay wax uga tari doonto baahida waxbarasho ee gobolka ka jirta.
Madaxweynaha iyo weftiga culus ee uu hoggaaminayo oo hawlo shaqo ku jooga gobolka Sanaag, ayaa ku gudo jira shaqadii ay u yimaadeen oo ay kamid yihiin kuwan uu xadhig-ka-jaray, qaarna uu kormeerka ku sameeyey.
Gobolka Sanaag, ayaa tobankii sannadood ee u dambeeyey laga fuliyey mashaariic tiro badan oo kor loogu soo qaaday wacyiga nololleed, dhaqaale iyo bulsho ee gobolkaasi, waxaana kamida mashaariicdan shalay weftiga Madaxweynuhu furay.