Baanka Dahabshiil oo munaasibad mahadcelin ah u sameeyay macaamiisha

Hargeysa -(GNA) Baanka Dahabshiil, ayaa munaasibad mahadnaq ah macaamiishiisa waa weyn ugu sameeyay hoteelka Damal ee magaalada Hargeysa.
Maxamed Siciid Cawaale oo kamid ah masuuliyiinta shirkada Dahabshiil, ayaa sheegay in manaasibadan loo qabtay si macaamiisha Dahabshiil Bank loo tuso in ay yihiin qayb muhiim ah oo kamid ah banka.
Waxaanu yidhi.”Aniga oo matalaya Dahabshiil aan kusoo dhaweeyo macaamiisha waa weyn, ee halkan aanu ugu yeedhnay, waxaanu idiinku maamuusnay xafladan caawa in Dahabshiil Bank aanu ka fogayn macaamiishiisa, oo uu marwalba u dhowyahay, oo macaamiishu ay tahy tiir kamid ah tiirarka banka”.
Ganacsade Maxamuud Qaalib oo kamid ah ganacsatada waa weyn ee reer Somaliland oo macmiil u ah Baanka Dahabshiil, ayaa sheegay in uu muddo dheer macmiil u ahaa baanka, isla markaana uu u mahadcelinayo.
Waxaanu yidhi.”Dahabshiil Bank, hadaanu nahay ganacsatada kaalin weyn ayuu noogu jiraa, aad iyo aad ayaanu ugu mahadnaqaynaa, anuu dadkii la bilaabay ayaan ahay, markaa xaalkayagu waa mahadnaq uun”.
Guddoomiyaha Rugta Ganacsiga Somaliland Jamaal Caydiid, ayaa sheegay in Dahabshiil Somaliland u horseeday in ay hesho aqoonsi ganacsi.
Waxaanu yidhi.”Dahabshiil Bank waxyaabaha uu unoo fududeeyay waxaa ka mid ah, Somaliland ictiraaf ganacsi ayaynu helnay, wali ictiraaf siyaasadeed maynaan helin.”
Madaxa shirkadaha Dahabshiil Cabdirashiid Dahabshiil, ayaa sheegay in ay doonayaan in ganacsatada iyo baanka Dahabshiil isku xidhmaan.
Waxaanu yidhi.”Taladu waa wax lagu wada noolyahay, in aad afkaarta nala wadaagtaana, waa waxaanu idinka baranayno idinka laftiina, oo ay noqoto ganacsatada iyo baanka oo isku xidhan”.