Somaliland: Qodobo xaqiiq ku salaysan iyo Xaalada Siyaasaddeed ee dalka..

Dhacdooyinka hore u dhacay waxaa badanka laga bartaa qaladaadka Iyo faaiidooyinka laga dheefay. SOMALILAND waa umad aan wax ka baran qaladaad iyo dhacdooyinka hore u soo maray.

Weli ma aragteen mudaharaad hore u dhacay oo lagu faaiiday?.

Waxaa hore inoo soo maray dhawr mudaharaad inta aan xasuusto.

1. Mudaharaadkii kulmiye oo isna aan sharciga waafaqsanayn oo aan buuxin shuruudihii banaanbaxa ayaa u dhacay sidan shalay dhacday, kulmiye wuxuu ku mudaharaaday dawladii udub, waxaa mudaharaadkaa ku dhintay laba qof, qaarna ku dhaawacme, wixii loo mudaharaadayna lama joojin oo waa tii Dahir riyaale waqtiga loo kordhiyay

2. Waxaa isna cigar mudaharaadkii ururkii xaqsoor, tiraba 4 qof baa ku dhintay, qaar badanina way ku dhaawacmeen, hadana xaqsoor ma helin wixii uu u mudaharaaday oo ahayd inuu ka mid noqday xisbiyadii qaranka balse ay aaminsanaayeen in la musuqmaasaqay

3. Mudaharaadadaa hore waxaa ciidamada amnigu adeegsadeen rasaas nool oo sidaan sheegay dad ku dhinteen. Shalay dawladu rasaas nool may ridin ee waxay riday qiiqa dadka ka ilmaysiiya Iyo xabado caag ah. Rubber ama plastic bullet. Rasaas nool waxaa riday askarkii ilaalada u ahayd musharax Ciro oo weliba ku riday ilaaladii amniga qaranka. London taa aan ka imid Iyo dawladaha hore u maray haday taasi ka dhacdo, halkoodaa lagu toogtaa, sababtuna ay tahay in mar sharciga la jabiyay, marna ay abuuri karayso in dadna ku dhintaan isla markaana ay abuurto fitno kale oo badan

4. Dawlada waxaan ku hanbalyaynayaa sidii wanaagsanayd ee ay shalay u maamushay una xalisay mudaharaadkii qayru sharciga ahaa oo aan dad inagaga dhiman

5. SOMALILAND waxay noqotay wadanka labaad ee ku yaala qaarada Africa ee isticmaalay rasaasta cinjirka ah Iyo qiiqa dadka ka ilmaysiiya. Dawlada kaliya ee isticmaasha labadaasi waa wadanka Koonfur Afrika. Waan ku hambalyaynayaa dawlada SOMALILAND inay ka fikirtay inay soo iibsato aaladaa aan khatar dhaawac Iyo mid dhimasho lahayn Iyo in ay ka fikirtay inay soo iibsato iyadoo ah mid ay shicibkeeda ugu tudhay

6. Mudaharaadyada. Cid kasta oo rabta inay mudaharaado waa inay sharciga u dhigan mudaharaadka maraan oo shuruudaha mudaharaadka buuxiyaan, sida cadaynta ujeedada banaanbaxa, dadka la filayo inay ka soo qayb galaan, meesha lagu qabanayo, sida haday garoon weyn ama meel banaan tahay, meesha laga dhaqaaqayo Iyo meesha uu ku dhamaanayo, iyo in la cadeeyo in mudaharaadkaasi yahay mid nabdoon isla markaana ay masuuliyadeeda aqbalaan inay leeyihiin cida soo abaabushay

7. Dad badan baan arkayaa leh ama soo qorayay in dad xasaanad leh Iyo madax la xidhay ama xidhayo, iyagana waxaan u sheegayaa in sharciga loo siman yahay hadii xil la hayo iyo hadii shicib la yahayba. Qofka masuulka ah ama xildhibaanka ah ee lagu qabto isagoo dambi faraha kula jira ama sharci jabinaya waa la xidhayaa oo sharcigaa la marinayaa. Rule of Law” waxaa macnaheedu yahay ama ay ka dhigan tahay in qofna aanu sharciga ka sarreyn – hada waa qof kasta, iyada oo aan loo eegin inuu qani yahay ama awoodba leeyahay, sharcigu wuxuu dhigayaa in si isku mid ah loogu hogaansanaado sharci oo dhan oo sharcigu qabanayo cid walba. ( Rule of Law” actually mean? At its most basic level, it essentially means no one is above the law— every individual, no matter how wealthy or powerful, is equally subject to the law No one is above the law ). Markaa maadaama uu mudaharaadkii shalay dhacay uu u dhacay si aan sharciga waafaqsnayn, ma garanayo sababta loo xidhi waayay kuwii soo abaabulay mudaharaadka? Wax alla wixii dhacay shalay waxaa ka masuula Ciro Iyo Xirsi oo si bilaa sharci ah u abaabulay mudaharaad aan sharci ahayn. Xukuumada Somaliland waxay mudan yihiin in la hambalyo iyo bogaadin la huwiyo, sidii wanaagsanayd ee dulqaadku ku dheehnaa ay ula dhaqmeen shacabkii aan badnayn ee u mudaharaaday si baal marsan sharciga qaranka madaharaad runtii labada xisbi mucaarid wax aan ceeb ahayn usoo jiiday runtiina noqday mid aan haba yaraatee waxba laga dheefin. Kuwan leh waxbaanu dhexdhexaadinaynaa waxaan leeyahay waynu dhaafnay xiligii xeer jajab wax lagu xalin jiray oo maanta ay shaqaynaynaan shuruucda aynu dhiganay.

8. Waxaan dawlada ugu baaqayaa in askarigaa gabadha dhulka ku dhacday jidh dilka axmaqnimada ah u geystay ay sharciga mariso si degdeg ah. Caafimaadkiisana ha la baadho, waayo ma aaminsani qof caafimaad qaba oo damiir lehi inuu qof dumara sidaa foosha xun ee jidh dilka ah ku samayn karo. Ninkaa gabadha garaacay Iyo askartii rasaasta ku furay gawaadhidii amnigu watayba waa in sharci adag la mariyo. Kuwaa waxaan soo jeedin lahaa in ciidamada qaranka laga eryo si aanay wado furantay inoogu noqon.

9. Xisbiyada iyo dawladana waxaan leeyahay waar wixii siyaasad ah ee idiin dhexeeya fadlan sifo sharci u mara oo ku xaliya murankiina sifo sharciga waafaqsan. Waxyaalo kale oo badan oo taxadir badan u baahan ayaa inoo yaala, sida abaarta inagu habsatay, dhaqaaleheenii Somaliland oo boqolkiiba 40 ama in ka badani inagaga gubatay suuqii waaheen iyo sicir bararka hadaan imika wax laga qaban keeni kara in gaajo dad badani u dhintaan

10. Qodobka ugu danbeeya wuxuu ku socdaa shicibka masaakiinta ah. Shiciboow ha noqonina kuwo sida xoolaha loo hogaamiyo oo marna cod iyo food laga doono marka la isku qabto damacooda Iyo danahooda siyaasadeedna la iska hor keeno oo colaad iyo fidno laga dhex abuuro. Ha noqonina qaar marba dhinacii la doono loo jeediyo, noqda kuwii waxna diidi kara, waxna dooni kara.

Ahmed Yasin Mohamed Jama