Maxaa ka dhashay Heshiiskii dhex maray Xisbiyadda Kulmiye iyo ANC?

“Xisbiga ANC isaga oo heshiiskaas ka duulaya waxa uu kala shaqeyn doonaa Xisbiga KULMIYE sidii uu u yeelan lahaa garabka dhaqaalaha..”Ambasadoor Jaamac

Pertoria(GNA)Xisbiga ANC ee ka dhisan.dalka Koonfur africa oo lagu tilmaamo ka ugu Da’da weyn Axsaabta Siyaasada Qaarada Africa, ayaa bilaabaya iskaashi wada-shaqayneed oo dhex mara Xisbiga talada haya Jamhuuriyadda Somaliland ee Kulmiye oo u dabaal-degay bishii May sanad-guuradii 20aad ee ka soo wareegtay aasaaskiisa.
Labada Xisbi ayaa isweydaarsanaya taageero kala duwan oo la xidhiidha dhinacyada dhismaha xisbinimada iyo khibradaha siyaasaddeed, sida uu mareeg warbaahineeda Arabsiyo News u sheegay Wakiilka Dowladda Somaliland u fadhiya Koonfur Africa Ambasador Axmed Jaamac oo ka warameyey xidhiidhka saaxiibtinimo ee ka dhexeya Somaliland iyo Koonfur Afrika, kaasoo si gaar ah u sharaxay natiijada ka dhalatey heshiis wadashaqeyneyd oo ay kala saxiixdeen sanadkii hore 2021 labada xisbi ee ANC iyo Kulmiye.
Ambasadoor Jaamac waxa uu sheegay in Xisbiga ANC kala shaqeyn doono Xisbiga Kulmiye sidii uu u yeelan lahaa garab dhaqaale iyo Dugsi lagu barto Hogaaminta siyaasada ,(School of leadership),kaas oo ku xidhnaan doona O R iTambo School of Leadership oo ah iskuul ay ka soo baxaan siyaasiyiinta Xisbiga ANC.
Ambaasadoor Axmed Jaamac waxa kale, oo uu ka waramey waxyaabihii u hir-galey muddadii uu joogey safaarada Somaliland ku leedahay Koonfur Africa ,isaga oo arrimahaas faah-faahinaya waxa uu yidhi “Muddadii aanu joognay Safaarada waxa noo hirgalay inaan sameynay maal-gelin, oo aan isku xidhnay dadka ganacsatada ee Koonfur Afrika inay tagaan Somaliland, waxaanu geynay Somaliland 15 Wefti oo ka kooban ganacsato maalgashadayaal Koonfur Afrikana, Waxa kale oo aan Somaliland geynay tobban wefti oo ka kooban Xisbiyada waddankan Koonfur Afrika iyo dad Siyaasiyiina, taas oo isku soo dhaweysay laba waddan. Somaliland waxa ka yimi in ka baddan 25 Wefti saddexda sannadood ee aynu soo dhaafnay”.

Wakiilka Somaliland ee Koonfur Afrika Ambassador Axmed Jaamac ayaa sheegay inay Heshiis wada shaqeynayd ay Kala saxeexdeen Xisbiga ugu da’a weyn Qaarada Afrika ee ANC iyo Xisbiga talada dalka Somaliland haya ee KULMIYE,iyada oo si wada-jira loo magacaabay guddiyo laba dhinac ah, “Xisbiga ANC ee Koonfur Afrika iyo Xisbiga KULMIYE ayaa kala saxeexday heshiis wada shaqeynayd dabayaaqadii sannadkii tagay 2021-kii,kuwaas oo halkaasi ku sameeyey guddi ka kooban 8-xubnood oo min Afar xubnood ka kooban. waxaanay shaqadii ugu horeysay ay bilaabeen bishii November ee sannadkii 2021-kii,” ayuu yidhi safiirku.

Ambassador Axmed Jaamac oo ka hadlayay sababta uu Xisbiga ANC heshiiskan uu u la saxeexday Xisbiga KULMIYE, ayaa waxa uu yidhi “Xisbiga KULMIYE waa Xisbiga kaliya ee laba door oo isku xiga ku Guuleystay doorashada Madaxtinimada Somaliland, isaga oo ay isku bedeleen laba Madaxweyne oo kala ah Madaxweynihii hore Md. Axmed Maxamed Maxamud (Siilaanyo) iyo Madaxweynahan imika talada waddanka haya Md. Muuse Biixi Cabdi, taasina waxay caddayn u tahay kalsoonida ay bulshadu ku qabaan. Xisbiga ANC waxay rajo-gelisay in Xisbiga KULMIYE uu noqon doono Mustaqbalka ka ugu faca-weyn Geeska Afrika”.

“Xisbiga ANC isaga oo heshiiskaas ka duulaya waxa uu kala shaqeyn doonaa Xisbiga KULMIYE sidii uu u yeelan lahaa garabka dhaqaalaha, sidii Xibiga KULMIYE u yeelan lahaa Iskuul lagu barto Siyaasadda ‘KULMIYE School Of Leader ship, kaas oo xidhiidh wada shaqeynayd la yeelan doonaa O R Tambo school of Leadership oo ah Iskuulka Siyaasadda ee Xisbiga ANC ay ka soo baxaan,” ayuu yidhi Ambassador Axmed Jaamac.
Xisbiga ugu faca-weyn qarada Afrika ee African National Congress ‘ANC, waxa la Aasaasay 8 Jenuawary 1912-kii, waxaanu bishii kowaad ee sannadkan 2022 u dabaal-degay sannad-guuradii 110aad ee ka soo wareegtay Aasaaskiisi.