Wasiirka arrimaha gudaha oo sheegay inay mucaaridku dalbadeeen muddo-kordhin

Wasiirka arrimaha gudaha oo joojiyay Muddaharaad mucaaridku ku baaqeen

Hargeysa(GN)-Xukuumadda Somaliland ayaa gabi ahaanba diidday muddo kordhin mucaaridku soo jeediyeen.

Wasiirka wasaaradda arrimaha gudaha Somaliland ayaa sheegay in labada xisbi mucaarid  in ay Madaxweynaha u soo gudbiyeen muddo kordhin loo sameeyo Madaxweynaha iyo xisbiyada qaranka isla markaana meesha laga saaro diiwaan gelinta ururada siyaasadda,waxaanu wasiirku intaa ku daray in soo jeedintaa muddo kordhinta ah  oo ahayd mid sharci darro ah in Madaxweynuhu uu ka diiday.

 

Dhinaca kale Wasiirka Wasaaradd arrimaha gudaha Jamhuuriyadda Somaliland  Maxamed Kaahin Axmed ayaa  jawaab ka bixiyey codsi uga yimi xisbiyada mucaaridka oo la xidhiidha in loo fasaxo mudaharaad, ayaa sheegay in aan dalabka xisbiyadda ee mudaharaadku waafaqsanayn dastuurka iyo xeerka nabad-gelyada iyo anshaxa oo qeexaya asbaabta iyo ujeeddooyinka lagu dalban karo ogolaanshiyaha dibad-bax iyo waajibaadka ka saaran hay’addaha amniga.

Maxamed Kaahin Axmed waxa uu cadeeyey in gabi ahaanba asbaabaha ay asxaabta mucaaridku u dalbadeen mudaharaadku aanay ahayn kuwo qiil u noqon kara codsigooda, lana tixgelin karo, sidaasi awgeed aanay abaabuli karin wax mudaharaad ah, wax kasta oo nabad-gelyada waxyeeli kara.

Wasiirka oo shir jaraa’id ku qabtay Xafiiskiisa maalintii shalay, ayaa halkaasi ka akhriyey wareegto wargelin ah oo ku socodsiiyey labada xisbi mucaarid ee WADDANI iyo UCID, iyo taliyaha Ciidanka Booliska, sidoo kale taasoo uu ogaysiin ku siiyey madaxweynaha iyo ku-xigeenka wasaraada arrimaha gudaha, ayaa amray in aan dalka laga qaban karin wax mudaharaad ah, waxaanu amray guddoomiyeyaasha gobolada iyo laamaha amniga in cidii isku dayda ama abaabusha talaabo laga qaado.

go’aanka jawaab celinta dalabka xisbiyada ee mudaraharaadka oo nuqul kamida uu soo gaadhay Wargeyska Dawan ayaa u dhignayd sidan:-

Wargelin Muhiim ah oo Ka Soo Baxday Xafiiska Wasiirka Wasaaradda Arimaha Gudaha JSL.

KU:-  XISBIGA WADANI =HARGEYSA=

KU:- XISBIGA UCID =HARGEYSA=

KU:- TALIYAHA CIIDANKA BOOLIISKA JSL =HARGEYSA=

OG:- DHAMAAN GUDOOMIYAYAASHA GOBOLADDA & DEGMOOYINKA DALKA  =RUGTOODA=

OG:- WASIIRKU-XIGEENKA WASAARADDA ARRIMAHA GUDAHA

EE ARRIMAHA GOBOLLADA & DAWLADAHA HOOSE  =XARUNTA=

OG:- WASIIRKU-XIGEENKA WASAARADDA ARRIMAHA GUDAHA

EE ARRIMAHA AMNIGA   =XARUNTA=

OG:- MADAXWEYNAHA JAMHUURIYADA SOOMAALILAND

UJEEDO:- WAGELIN

Tixraac warqadda ka soo baxday Labada Gudoomiye ee Xisbiyada Wadani iyo Ucid ee Tirsigeedu yahay TIX/WADANI/UCID/04/2022 kuna Taariikheysan 28/05/2022, ujeedadeeduna tahay Wargelin banaanbaxyada  ee badbaadada Soomaaliland, warqadan waxaa i soo gaadhsiiyay Wasaaradda Arrimaha Gudaha Xili ku dhow 1:00 Duhurnimo 28/05/2022 Saddex Xubnood oo ka Tirsan Labada Xisbi ee Wadani iyo Ucid, si wanaagsan ayaan uga gudoomey waxaanan ku wargeliyay in arrinta Warqadani ay Xambaarsan tahay  ay u baahanahay in aan ka wada hadlano Mas’uuliyiinta Labada Xisbi ee Qoraalka soo qorey.

Arrimaha ay u cuskadeen Banaanbaxooda sababtu waxa ay tahay

  • inkastoo Dastuurka Jamhuuriyadda Soomaaliland Qodobka 32aad farqadiisa 2aad ay Muwaadiniinta u fasaxayso inay sameeyaan isu imaatin Kulan ama Banaanbax si Xeerka Waafaqsan.
  1. Qodobka ay u Cuskadeen Mudaharaadkooda ma aha sababo Xeerka Nabadgelyada Guud Waafaqsan.
  2. Waxay sheegeen in Doorashada iyo Komishanka Doorashooyinka la farageliyey Arrintaasina waxba kama jiraan, Madaxweynaha waxaa u oggolaanaya in uu Komishinka Guddi u saaro Qodobka 15aad Farqadiisa 2aad Xeerka Guud ee Doorashooyinka iyo Diiwaangelinta Cod-Bixyayaasha Xeer Lambar 91/2020 .

Arrinta Doorashada iyo Furitaanka Ururada waxaa jideeyay Xeer No.14/2021, Golayaasha Xeer Dejintuna ay oggolaadeen, diidmada Xisbiyada Mucaaradka ayaa dib u dhigaaya Doorashada, wakhtina lumineysa.

  1. Ujeedada Qoraalkooda waxay ku sheegeen Mudaharaad Badbaadada Soomaaliland wax laga badbaadinayaana Soomaaliland ma jiraan, Soomaaliland waxa ilaalinteeda iyo badbaadinteena ka Mas’uul ah Qaran jira oo leh Golayaal Sharciyeed, Xukuumadeed iyo Garsoor , Distuur ayay leedahay Ciidamada Qalabka sida ee Qaranka, balse Ereyga badbaadada Soomaliland ee Labada Xisbi Cuskadeen waxaa ka muuqda khal-khal Nabadgelyada lagu wiiqaayo.
  2. Ujeedada Qoraalkoodu ma waafaqsana Sharciga sababtoo ah Wasaaradda Arrimaha Gudaha waxay Sharci u leedahay Oggolaanshaha Mudaharaadyada sida uu dhigaayo Xeerka Ilaalinta Anshaxa iyo Nabadgelyada Guud ee xeer Lr. 51/2011, waxay Qoraalkooda ku sheegeen in ay Wasaaradda ku wargelinayaan in ay sugto Amaanka Goobaha iyo Fagaarayaasha ay ka dhici doonaan Banaan baxyada Badbaadada Soomaaliland”

Markaan Arkay:-  Qodobka Distoorka 32aad Farqadiisa 3aad.

Markaan Arkay :-  Xeerka Lambar 51/2012 Qodobada 10aad Farqadiisa 1,2,3aad  iyo Qodobka 12aad Farqadiisa 1, 2aad Qodobka 13aad Farqadiisa

1, 2aad Qodobka 14aad Farqadiisa 1, 2, 3aad Xeerka Ilaalinta

Nabadgelyada iyo Anshaxa

Markaan Arkay:- in asbaabta ay qoraalka ku soo gudbiyeen oo ah Wargelin Banaan

-baxyada Nabadgelyada ee Badbaadinta Soomaaliland taas oo aan

Sharciga waafaqsanayn, Bulshada Reer Soomaalilandna ay ku

Tilmaameen in ay kala qeybsan yihiin, taas oo ah arrin aan jirin,

Bulshada Soomaalilandna waxaa la ogyahay in ay midaysan yihiin

Meel kastana ay Nabdgelyo ku wada nool yihiin, balse labada Xisbi

ay tahay Siyaasad hore leh oo ay ku kala qaybinayaan Soomaaliland.

Markaan Arkay:-      Diidmada Labad Gudoomiye ee aan ka sugaynay inay yimaadaan Wasaaradda si looga wada hadlo Arrimahan ay soo codsadeen kuna yimaadaan fariintii aan u dirney, isla Markaana ay go’aansadeen gudina u saareen qabanqaabada  Mudaharaadka.

Sidoo kale, iyadoo la eegaayo danta guud ee Qaranka iyo Ilaalinta Amniga, waxaan go’aansaday in aanan oggolaanin Mudaharaad, cidii isku dayda Abaabul iyo samayn Mudaharaad aan Sharciga waafaqsanayn, haysana warqad oggolaanshiyo ah waxay burburinayaan Nabadgelyada Soomaaliland waxaanay ka soo horjeedaan Sharciga Soomaaliland,  si loo hubiyo loona sugo xaalada Nabadgelyada, waxaa la idin faryaa in Mudaharaad aan sharci ahayn uu yahay Sharci daro, Nabadgelyadana lagu waxyeelaynayo.

Sidaas darteed,  waxaan farayaa Taliyaha Ciidanka Booliiska iyo Gudoomiyayaasha Gobollada:-

  1. in Talaabo sharci ah ka qaadaan cid kasta oo isku dayda in ay samayso Mudaharaad aan Sharci ahayn.
  2. In ay xoojiyaan Nabadgelyadda Guud ahaan Dalka gaar ahaan Magaalooyinka.

Gudoomiyayaasha Gobollada Dalka, iyagoo kaashanaya Guddiga Nabadgelyada Gobollada, Taliyayaasha Ciidamada Booliiska waa in ay Talaabo Sharci ah ka qaadaan cid kasta oo isku dayda Mudahaad aan Sharci ahayn oo aan oggolaansho lahayn.

ALLAA MAHAD LEH

MAXAMED KAAHIN AXMED

WASIIRKA WASAARADDA ARRIMAHA GUDAHA JSL