Madax-dhaqameedka iyo Wax-garadka Beelweynta ARAB oo Bayaan Ka soo Saaray Xaaladda Siyaasadeed ee Dalka

Ka Xilkiisu dhammaadaa Xoog kuma haysan karo, Ka Xilka doonayaana, xabbad iyo Xajiin kuma qabsan karo” – Bayaanka

Shir wada-tashi ah oo ay maanta isugu yimaaddeen Salaadiinta, Ugaaska, Cuqaasha, Aqoonyahanka, Wax-garadka iyo dhalinyarada Beelweynta Arab Sheekh Isaxaaq, ayaa laga soo saaray Qodobbo muhiim ah oo khuseeya xaaladda siyaasadeed ee wakhtigan dalku marayo.

Shirkan oo ay goob-joog ka ahaayeen Guddiga Af-garad ee Beelaha Arab, waxa lagu faaqiday xaaladaha siyaasadeed, Dhaqaale iyo bulsheed ee xilligan ka jira dalka, waxaana laga soo saaray bayaan xambaarsan qodobbo gundhig u ah mowqifka Beelaha ka taagan yihiin xaaladda dalka.

Qodobbada ka soo baxay shirka Beel-weynta Arab,  waxa lagaga digay in xaaladda ammaanka dalku loo waxyeeleeyo dano gaar ah, waxaanay Xukuumadda iyo Xisbiyada Mucaaradka ugu baaqeen  inaanay ka gudbin xayn-daanta kalsoonida Shacabku u siiyey inay ku hoggaamiyaan siyaasadda dalka.

Shirka wada-tashi ee Beelweynta Arab oo maanta ku qabsoomay Hotel-ka Ramaada ee magaalada Hargeysa, ayaa u dhignaa sidan:-

  1. In la weyneeyo Cabsida ALLAH (SWT) oo loo soo noqdo.
  2. Nabadgelyadu waa Nimco ALLAH (SWT) innagu maneystay, waana hanta umadda ka dhaxaysa oo lama taabtaan ah, sidaa awgeed:-
    • Xukuumadda iyo Xisbiyada waxaanu leenahay, ma tihidin Xaqlayaal iska leh dalkan iyo dadkan. Xilli go’an ayaa la idiin doortay xilka aad umadda u haysaan, iyadoo la idin xurmeedyey oo laydinka xushay umad badan.
    • Ka Xilkiisu dhammaadaa Xoog kuma haysan karo.
    • Ka Xilka doonayaa, xabbad iyo Xajiin kuma qabsan karo, waxaananu leenahay waar umadda ka xishooda.
  3. Qodobbada sharci ee laysku hayo ee muranka dhaliyey ee nin walibana sida uu doono u fasiranayo, waxaanu ku talinaynaa inaydaan idinku isku akhiriyin ee waa nin loo celiyo hay’adaha ku shaqada leh iyo sharci-yaqaanno dhex-dhexaad ah.
  4. Madaxweyne, wuxuu Illaahay masuul kaaga dhigay dalka iyo dadkaba, sidaa darteed, waxa lagaa doonayaa dulqaad, caddaalad iyo la-tashi ballaadhan oo aan ahayn inta kugu xeeran si dalku uga samato-baxo muranka siyaasadeed.
  5. Waxaanu halkan kala hadlaynaa saddexda habrood ee aanu isku haybta nahay ee hantidii umadda ka dhaxaysayna kaligood isku koobay, xukuumadda iyo xisbiyadii Qarankana qabiil u rogay, waxaanu leenahay Ha ogaadaan in dalka lala leeyahay, dushana laga ilaashanayo.
  6. Waxaanu ugu baaqaynaa dhammaan beelaha darafyada iyo Beelaha gudaha ee kale, wixii qaranimada waxyeelaya inaynu dhinac uga soo wada-jeedsanno, ugana wada hawl-galno, waxaananu idinka xaal-marinaynaa hadallada xanafta iyo xajiinta leh ee warbaahinta la isku marinayo.” Sidaas ayaa lagu yidhi bayaanka ka soo baxay shirka wada-tashi ee Beelweynta Arab Sheekh Isaxaaq.