Xukuumadda Somaliland qalinka ku duugtay Heshiis Dhinaca Shidaalka, Tamarta iyo macdanta ah oo ay wada galeen Taiwan


Wasiirka wasaaradda macdanta iyo tamarta Jamhuuriyadda Somaliland Md
Cabdilaahi Faarax Cabdi, ayaa saxeexay heshiis laba geesood ah oo ay wada gaadheen Somaliland iyo Dawladda Taiwan,kaasoo la xidhiidha arrimaha Shidaalka, macdanta iyo tamarta, qaybna ka ah arrimaha ay isku afgarteen labada dal inay iska kaashan doonaan.

Heshiiskan oo uu dhinaca Taiwan u soo saxeexay wasiirka Dhaqaalaha ee dalkaasi, ayaa wasiirka Tamarta iyo macdanta JSL markii uu qalinka ku duugay  waxa uu nuqullada dhinaca Taiwan ku wareejiyey safiirka u joogga Somaliland Amb. Allen C. Lou.

Munaasibada heshiiska lagu saxeexay oo ka qabsoontay xarunta wasaaradda tamarta iyo macdanta, waxa ka qaybgalay xubno kamida golaha wasiirrada iyo hay’addaha madaxbanaan ee xukuumadda Somaliland oo kala ah  Wasiirka wasaaradda Horumarinta Maaliyadda Dr. Sacad Cali Shirre, Wasiirka Wasaaradda Cadaaladda Md. Saleebaan Warsame Guuleed, Wasiirka Wasaaradda Xidhiidhka Golleyaasha, Md. Maxamed X. Aadan Cilmi, Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Arrimaha Dibedda Md. Cabdinaasir Cumar Jaamac iyo Gudoomiyaha Komishanka Korontada Md. Axmed Faarax Caddare iyo wefti ka socday wasaaradda arrimaha dibada ee Taiwan.

Ugu horeyn waxa halkaasi ka hadlay wasiirka Wasaaradda Tamarta iyo macdanta Jamhuuriyadda Somaliland Cabdilaahi Faarax Cabdi oo ka waramay ahmiyadda ay leedahay dhaqaajinta iyo horumarinta heshiisyaddii saaxiibtinimo ee ay wadda gaadheen Somaliland iyo Taiwan sanadkii 2020, kuwaasoo ay ugu muhiimsanaayeen Beeraha, Kaluumiysigga, Macdanta, Tamarta, Caafimaadka iyo Waxbarashadda.
Wasiirka waxa uu intaas ku daray in loo baahan yahay in dar-dar geliyo wadaagista xogaha khayraadka macdanta,Tamarta iyo shuruucda lagu horumarinaayo aaggaga Macdanta iyo Tamarta, waxaanu sidoo kale ka hadlay sahamintii shidaalka ee dalka ka socotay oo hadda u gudubaysa marxaladdii qodaalka.

Shirkadaha sahaminta shidaalka sameeyay oo kala ah General Energy iyo RAK Gas LLC ayaa sahamaddoodii ku xaqiijiyay goobo muujinaya tuhunka kaydka Shidaalka, iyada oo marxaladda qodaalka shidaalka loo qorsheeyay in la  bilaabo sanadka 2023.
Waxa kale oo wasiirku sheegay inay jiraan fursaddo kale oo maalgashi oo dhanka shidaalka ah oo bannaan, maadaama oo 25% kaliya  block-yadda ruqsado shidaal loo haysto, isla markaana waxa banaan fursadaha 75%.
Macdanta.
Wasiirku mar uu ka hadlayey dhinaca macdanta iyo mashaariicda socda waxa uu iftiimiyay in ay wadanka ka socdaan sahamin iyo qodista macdanta oo ay wadaan shirkaddo gaar loo leeyahay, iyaddoo ay jiraan sahamo gaar ah oo ay sameysay Wasaaradda Tamarta iyo macdantu oo laga maal geliyay miisaaniyadda Qaranka.
Tamarta.
Md. Cabdlaahi Cabdi Faarax wasiirka wasaaradda tamarta iyo macdanta JSL waxa uu sharaxaad ka bixiyay hadafka iyo hiigsi ay wasaaraddu ka leedahay Tamarta iyo siddii loo heli lahaa Tamar koronto bed-qab iyo haqab-beel ah  “Si hadafkaa loo xaqiijiyo waa in la helaa koboc dhaqaalle, wax soo saar iyo horumar dhinacyo badan leh oo Qarankani ku talaabsaddo.
Si loo gaadho Hadafkaa  wasaaradda Tamarta iyo macadanta JSL, iyo Taiwan waxa ay iska kaashan karaan arrimahan hoos ku xusan.
Dib u dhiska iyo horumarinta guud ahaan qaybaha kala duwan ee muhiimka u ah aagga Tamarta korontada iyo hay’adaha ka hawlaha Tamarta, oo ay ugu horeyso wasaaradda Tamarta iyo Macdanta
Curinta, dib u habaynta iyo hirgelinta shuruucda, Siyaasaddaha, hagayaasha iyo habraacyadda daraasaddaha iyo cilmi baadhista IWM”ayuu yidhi wasiir Cabdilaahi Cabdi Faarax.
Safiirka dalka Taiwan Amb. Allen C. lou,  ayaa dhankiisa soo dhaweeyey heshiiska  dhex maray jamhuuriyadda Somaliland iyo waddankiisa, waxaanu ku tilmaamay talaabo kale oo taariikhi ah oo ay hore u qaadeen labada Qaran.
Gaba-gabaddii xafladaasi waxa hadallo bogaadin ka jeediyey xubnaha golaha wasiirada ee ka qaybgalay, kuwaasoo ku dheeraaday ahmiyadda uu heshiiskani u leeyahay Qaramada  JSL iyo Taiwan, iyaga oo dhamaan soo dhaweeyay, isla markaana soo jeediyey  in si degdeg ah loo hirgeliyo heshiiskaasi, midhihiisana lagu najaxo.