Madaxweynaha Somaliland oo jeediyey khudbad isugu jirta god-waran, guubaabo iyo garnaqsi xuska 18 May

Madaxweynaha Somaliland Md Muuse Biixi Cabdi, ayaa khudbad uu arrimo kala duwan kaga hadlay ka jeediyey munaasibadda xuska 31-guurada Maalinta madax-bannaanida Somaliland ee 18 May oo maanta si weyn looga xusay gobollada iyo degmooyinka dalka.
Madaxweyne Biixi ayaa ka qaybgalay xaflada dabaal-degga ee lagu qabtay fagaaraha khayriyada ee Magaalada Hargeysa, halkaasoo ay isugu soo baxeen tobanaan Kun oo muwaadin oo kor u hayey calanka Jamhuuriyadda Somaliland oo ka samaysnaa hu’ iyo agab kale oo kala duwan.
Madaxweynaha ayaa sheegay in dowladihii kala danbeeyay ee soo maray Soomaaliya burburkii dowladii dhexe kadib, aanay haba yaraatee wax garowshiyo ah ka bixin, qadiyada madax bannaanida Somaliland.

Waxaanu yidhi.”31 sanno oo aynu kala maqnayn walaalaheen kamaynaan helin wax garowshiyo ah, kamaynaan helin gar qaadasho, waxay inoo haystaan in aynu nahay dhamaanteen gobol kamid ah oo aan odhan karin xor ayaanu nahay, kii ugu horeeyay ee madaxweynenimo Carta loogu doortay ilaa kaa shalay la doortay talada way ka simanyihii”

Madaxwenynaha ayaa hambalyeeyay isla markaana u duceeyay madaxweynaha cusub ee Soomaaliya loo doortay Xasan Sheekh Maxamuud, waxaanu u rajeeyay in uu garowshiyo ka bixiyo madaxbannaanida Somaliland, oo la noqdo laba dowladood oo walaalo ah.

Waxaanu yidhi.”Madaxweynaha shalay doorashadoodu nabada ku dhacday iyo labada madaxweyne ee gacanta isku dhiibay, aad iyo aad ayaanu usoo dhawaynaynaa, in ALLE idiin barakeeyo oo sidaa kuwadaan oo khilaafka idinka jabinaya waan idiinku ducaynaynaa, inaguna in aynu kala nabad galno oo aynu walaalo jira ahaano ayaanu idinka doonaynaa”

Madaxweynuhu isaga oo hadalkiisa sii wata waxa uu intaas ku daray.”Walalayaalow wadnay oo wadnay oo walaalo wax dhaama garan waynay in aad nala garataan ayaanu jecelnahay oo aydaan isdiidsiin Somaliland”

Madaxweynaha oo ka sheekeeyay sababaha keenay in Somaliland ka laabato midowgii, ayaa sheegay in 30 kii sannadood ee dowladii Soomaalidu jirtay, Somaliland loo gaystay cadaadis, gacan bidixayn, burburin iyo dulmi ku kalifay in ay goosato.
Muuqaalka Hoose ka Daawo Khudbadda Madaxweyne Muuse Biixi: