Somaliland: Urur-siyaasaddeedyada cusub oo eeddeyn u jeediyey Xisbiyada Mucaaridka

Masuuliyiinta ururrada cusub ee siyaasadda ayaa ku eeddeeyey xisbiyada mucaaridka inay xagal-daacinayaan hawlaha doorashooyinka, gaar ahaan u diyaar-garowga doorashada xulida ururrada.
Xubno kamida aasaaseyaasha Ururrada SPP, Barwaaqo, Horseed iyo Waaberi oo maanta shir-jaraa’id ku qabtay magaalada Hargeysa, ayaa waxay ka digeen inay xisbiyada mucaaridku sii wadaan durbaan garaaca ay ku curyaaminayaan hannaanka Doorashada iyo tartanka furida ururrada.
waxa kale oo ay golaha wakiillada u jeediyeen inay ansixiyaan xubnaha guddida diwaangelinta ururrada iyo ansixinta asxaabta qaranka “golaha wakiillada waxa horyaalla guddidii diwaangelinta ururrada, waxaanu ka dalbanaynaa mudaneyaasha inay guddida ansixiyaan”ayuu yidhi garyaqaan Maxamed Maxamuud Xaashi (Timo) oo kamida hogaamiyeyaasha ururka Shacabka Somaliland (SPP).
“waa la gaadhay xilligii ururrada la furayey, sharciga iyo nidaamka loo furayana way garanayaan”ayuu raaciyey garyaqaan Timo.
Masuuliyiinta u hadlay ururrada siyaasadda, ayaa sidoo kale dhaliilay dhawaaqyada maalmihii u dambeeyey ka soo baxayey hogaamiyeyaasha xisbiyada mucaaridka oo ku dooddaya inay doorashada madaxtooyadu ka soo horayso mida tartanka ururrada iyo xulida xisbiyada qaranka ee tobanka sannadood ee socda.

Halkan ka Daawo Muuqaal:

Sida uu dhigayo xeerka diwaangelinta ururrada siyaasadda iyo ansixinta asxaabta qaranka, dhamaadka bishan May ayey tahay in la bilaabo diwaangelinta ururrada cusub, maadaama ay doorashada lagu kala saarayaa ku beegan tahay horaanta bisha December ee sanadka.
In ka badan shan urur-siyaasaddeed ayaa ilaa hadda laga dhawaaqay Somaliland.