Xukuumadda Somaliland oo farriin la xidhiidha xuska 18 May u dirtay bulshada

Wasiirka wasaaradda arrimaha gudaha Somaliland, ayaa ardayda ka qayb galeysa xuska maalinta Qarannimada ee 18-ka May, ku adkeeyay in ay si gaara isha s ugu hayaan cidkasta oo is leh sameeya xaalad amni-darro.

Sidoo kale waxa uu faray ay soo bandhigaan, dabaaldegi Qarannimada, Qoomiyada, iyo waddaniyadii lagu yaqaanay bulshaweynta reer Somaliland.

Waxaanu yidhi.“Qarankasta iyo Qoomiyadkasta, adame kasta oo nooli waxa uu leeyahay cadaw, waxa la rabba marka inta xoriyada lagu jiro, dareeno fara badan ayaa jira, dabaaldega iyo inta ka danbaysaba dadkiina dhallinyarada ah ee iskuulada ku jira in aad isha ku haysaan wax alaale iyo wixii is leh amnidarro sameeya.

Waxa kale oo la rabba in aad gaadh ka haysaan wax kasta oo Qarannimadeena ka soo horjeeda, hala soo bandhigo, dabaaldegi Qarannimadii, Qoomiyadii, waddaniyadii reer Somaliland”

Xuskan maalinta Qarannimada 18-ka May, ee 31-aad ayaa ah mid ka duwan qaabkii loo xusi jiray sannadihii hore, iyada dib u habeyn iyo dayactir lagu sameeyay xarunta taalada Dal’jirka Dahsoon,  ee diyaaradda, oo laga dhigay goob bulshadu ay ku nasato, isla markaana ay ku geli karaan sawiro.