Soomaaliya: Xasan Sheikh Maxamuud oo mar kale loo doortay Madaxweyne

Doorasho socotay in ka badan 8 saacadood, ayaa xilka madaxweynaha dalka Soomaaliya waxa loogu doortay Xasan Sheikh Maxamuud oo sanadkii 2017 lagaga guulaystay tartankii Doorashada.

Wareegii saddexaad ee Doorashada oo ay isugu soo baxeen Madaxweynaha hadda xilka ka degay Maxamed Cabdilaahi Farmaajo,ayaa ayuu kaga guulaystay in ka badan boqol cod.

Xasan Sheikh ayaa helay 213, halka Maxamed Cabdilaahi Farmaajo uu helay 110.

Guusha Xasan Sheikh ayaa ah guul taariikhi ah oo ay gaadheen isbahaysiga mucaaridkii dagaalka siyaasaddeed la galay Mr. Farmaajo muddadii uu xilka hayey.

Madaxweynaha cusub ee dalkaasi ayaa noqonaya kii 10aad.