Shirkadda SOMPOWER Oo Guddida gurmadka suuqa WAAHEEN ku wareejiyay $100,000

Hargeysa (GNA ) Shirkadda adeega korontada ee SOMPOWER ayaa saaka guddida dib u dhiska suuqa Waaheen ku wareejiyay qaadhaan ay kaga qayb qaadanayaan dib u dhiska suuqii dabku ka kacay ee Waaheen.

Qoraal kooban oo ay shirkadda SOMPOWER ku baahiyeen boggooda Facebook ayaa lagu sheegay in ay mar kasta ka goan tahay inay bulshada reer Somaliland la dareen ahaadaan, sidaas darteedna ay ka goan tahay ka qayb galka dedaallada loogu gurmanayo dadkii hantidoodu ku baaba’day dabkii ka kacay suuqa Waaheen.

Qaadhaanka ay shirkadu wareejisay oo dhan $100,000, waxa wareejiyey maareeyaha guud ee Sompower Md. CABDILLAAHI MAXAMUUD IBRAAHIM (Cabdilaahi Beershiya) oo ay weheliyaan saraakiil shirkaddaas ka tirsan.

“Shirkad ahaan waxaa noo sharafa in aan ummadayada markasta iyo meelkastaba la Dareen ahaano.” Sidaas ayaa lagu yidhi qoraalka lagu baahiyey bogga Facebook ee Sompower, waxana intaa lagu daray “Waxaanu shirkad ahaan ku wareejinay Guddida Gargaarka Suuqa Waaheen qaadhaan dhan $100,000 (BOQOL KUN OO DOLLAR.)

Waxaan Allah uga baryaynaa in badal khayr qaba uu siiyo dhamaam ganacsatadii waxyeeladu kasoo gaadhay gubashaddii Waaheen.”.