Gen. Jaamac Maxamed Qaalib oo lagu aasay Hargeysa

Madaxweyne ku-xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil Saylici, xubno kamida Golaha Wasiirrada, madaxda goleyaasha kale ee qaranka, asxaabta qaranka iyo boqolaal ka kooban qaybaha bulshada, ayaa ka qaybgalay jannaasada alle ha u naxariisto’e Gen. Jaamac Maxamed Qaalib (Jaamac yare) oo si heer qaran ah loogu aasay deegaanka Toon ee Koonfurta Magaalada Hargeysa maanta, kaddib markii laga soo qaaday maydka 27-kii bishan Dalka Djibouti oo uu ku geeriyooday 26/04/2022.

Alle ha u naxariisto’e Jaamac yare, ayaa ahaa Oday, aqoonyan iyo khabiir Ciidan oo kaalin weyn ka soo qaatay halgankii iyo dhismihii dalka Jamhuuriyadda Somaliland, isagoo xilal ka soo qabtay xukuumaddihii dib-u-dhiska Waddanka, waxaanu ugu geeriyooday dalka Djibouti xannuun Wadnaha ka haleellay oo uu muddo u jiifay.

Madaxweyne ku-xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil Saylici oo ay isaga iyo masuuliyiinta kale ee dawladduba hadallo tacsi ah ka jeediyeen goobta lagu aasay, ayaa tacsi u diray ehelka, qaraabada iyo guud ahaan qaranka Somaliland ee uu ka baxay.

Halkan Daawo Muuqaal: