Home Wararkii u Dambeeyey Muqdisho: Doorasho maanta ka dhacaysa Xero amaankeeda la adkeeyey

Muqdisho: Doorasho maanta ka dhacaysa Xero amaankeeda la adkeeyey

Doorashada ayaa ka dhaceysa Teendhada Afisyooni, oo dacalka ku haysa Garoonka Diyaaradaha ee Aadan Cadde, halkaasoo amniga si weyn loo adkeeyay.

Guddoonka Aqalka Sare ayaa waxaa u taagan illaa laba iyo toban musharax. Saddex musharax ayaa ku tartami doono jegada Gudoomiyaha Aqalka Sare, iyadoo laba musharax ay ku tartamayaan Gudoomiye Kuxigeenka 1aad, halka toddobo musharax ay ku tartami doonaan Gudoomiye Kuxigeenka 2aad.

Gudoomiyaha KMG ee Golaha Aqalka Sare, Maxamed Cali Yuusuf (Gaagaab) iyo Xoghayaha Guud ee Aqalka Sare, Cali Maxamed Jaamac ayaa Isniintii kormeeray hoolka lagu qabanayo Doorashada Gudoomiyaha Aqalka Sare iyo Labadiisa Kuxigeeno.

Arbacada berrito ayaa sidoo kale Caasimadda Muqdisho lagu dooran doonnaa Gudoomiyaha Golaha Shacabka iyo Kuxigeenadiisa.

Exit mobile version