Xufaad ka socday Somaliland oo Kaalmaha hore ka galay tartanka Qur’aanka oo lagu qabtay Djibouti

Jabuuti(GNA)-Xufaad ka socda Jamhuuriyadda Somaliland, ayaa Kaalmaha hore ka galay tartanka qur’aanka Kariimka ah oo lagu qabtay dalka aynu jaarka iyo walaalaha nahay ee Jabuuti, kaasoo ay ka qaybgaleen sagaal Waddan.
Ka qaybgaleyaasha ayaa ku tartamay saddex qaybood oo kala ah soddonka Jus, labaatan Jus iyo toban Jus, waxaana Somaliland ku metelayey saddex xubnood, waxaana qorshaha ka qaybgalkooda ka shaqaysay safaaradda Jamhuuriyadda Somaliland ku leedahay dalkaasi.

Munaasibada tartanka oo lagu qabtay caasimada dalkaasi ee Jabuuti, ayaa waxa ka qayb galay xubno kamida Golaha Wasiirrada Djibouti, safiirada sagaalka waddan ee ay xufaaddoodu ka qaybgaleen tartanka, kana mid yahay danjiraha Somaliland u fadhiya Dalkaasi Ambasadoor Cabdifataax Siciid Axmed, culimo awdiin, aqoonyahanno iyo wufuud kale oo ka socday wadamada lagu soo casuumay kulanka.

Madasha tartanka lagu qabtay ayaa calanka Jamhuuriyadda Somaliland ka dhex muuqday, iyadoo uu horyaallay  kooxda Qarankeena ku metelayey.
Danjire Cabdifataax  oo Ardayda tartanka ka qaybgalay si hagar la’aan ah u garab-joogsaday, qaybna ka ahaa madaxdii  madashaasi ku guddoonsiiyey abaal-marinnaha, ayaa ku hambalyeeyey deddaalka ay sameeyeen, waxaanu kula dardaarmay inay halkaasi ka sii wadaan xiftiga qur’aanka iyo aqoonta diinteena Suuban.

Waxa kale oo uu danjiruhu uga mahad-celiyey Dawladda Djibouti, sida milgaha leh ee ay Jamhuuriyadda Somaliland ugu marti-qaaday tartankaasi.

Ugu dambeyn ambasadoor Cabdifataax Siciid Axmed waxa tilmaamay inay guul u tahay qaranka Somaliland ka qaybgalka tartankan iyo kuwa lamidka ahi, waxaanu yidhi “Farxad weyn ayey innoo tahay iyo guul qarankeenu gaadhay, inay dhalinyaradeenna wax baratay ka dhex muuqdaan tartamada caalamiga ah, gaar ahaan kuwa qiimaha weyn leh ee Qur’aanka Karriimka ah”

Ardayda Somaliland oo ka qaybgalay saddex derejo ee tartanku ka koobnaa, ayaa kaalmaha hore galay.