Somaliland oo Gog-gol Garnaqsi dhigaysa Ceerigaabo?

Sida aan Warka ku helayo Somaliland ayaa xidhiidho is daba Joog ah la samaysay duubab-ka dhaqanka Gobolka Sanaag ee uu ugu horeeyo Suldaan Siciid Cabdisalam & la Taliyaashiisa waxana ay kala hadleen inay doonayaan is arag Guud & Gogol Siyaasadeed oo M Muuse Biixi dhigayo Gobolka Sanaag Gaar ahaan Ceerigaabo.
In kastoo aanay Somaliland si Cad warkaasi u sheegin hadana ilo wareed aan helayo ayaa sheegaya in Qorshaha Shirkan uu soo jeetamayay tan & Markii Reer Sanaag ay iska dhex-waayeen Golihii Wakiilada ee Somaliland taasi oo dhabar jab wayn oo dhinaca Siyaasada ah ku noqotay Somaliland & lama filaan ay Dhuunta dhaafin kari-waayeen Gaar ahaan marka Somaliland iib-gaynayso Siyaasadeeda arrimaha dibada ee lagu lifaaqayo Saami -qaybsiga Beelaha Somaliland.
Wixii Guul daradaasi Baarlamaanka ka timi ka dambeeyay Somalialnd waxay xusul duub xoogan ugu jirta inay Quluubta Siyaasiga ah hanato isla markaana ay Meesha ka saarto Mad Madowga keenay in Bulshadu Doorashooyinkii Baarlamaanka Cidla iska taagaan.
War aan Shiilayn Sugnaanshihiisu oo aan laba Cisho ka hor helay ayaa daboolka ka qaadaya in M Muuse Biixi Guddi Abaabul oo Shirkaasi isku daba-rida uu Magcaabay oo uu ka mid yahay Wasiirka W.Arrimaha Gudaha M Kaahin ahna Gows dambeedka Madaxtooyada & Wasiir Mustafe Godane oo ah Siyaasiga Beesha Shirkaasina kaalin weyn ku leh.
Shirkaasi Garnaqsiga Siyaasada aan ugu Wan-qalay hadii uu run noqdo Wuxuu noqonayaa mid ay ka soo dhex Muuqanayaan Siyaasiyiin uu ka mid yahay G.Hore ee Golaha Wakiilada Puntland C/xakiin Xaaaji Maxamed ( dhooba-daareed) oo Dibad-meer Ka ahaa Siyaasada Madhalayska ah ee Garoowe.
Guusha & Midha dhalka Shirkaasi waa imtixaan hor-yaal Somaliland & Sida ay Tallada Dadka uga qayb-galiyaan oo aan Koox Yari u afduubin.
W/Q. Saxafi Jaamac Feyte