Fahad Yaasiin oo aqbalay go’aanka Maxkamadda sare

La-taliyaha amniga qaranka Soomaaliya, Fahad Yaasiin Xaaji Daahir ayaa qoraal uu soo saaray ku sheegay inuu ixtiraamayo go’aanka Maxkamadda Sare ay ku diiday inay qaado dacwadda kursiga HOP086 ee uu kusoo baxay balse uu xayiray guddiga doorashada.

Maxkamadda Sare ayaa go’aankeeda sabab uga dhigtay in aanay awood u lahayn ka garnaqida cabashooyinka ka dhasha go’aannada maamul ee doorashada dadban ee Barlamaanka 11-aad ee Soomaaliya, waxayna aqbashay hor-is-taagga xafiiska garyaqaanka Guud ee Dawladda oo matalaya Guddiga Hirgalinta Doorashooyinka Dadban ee Heer Federaal.

Hoos ka aqriso qoraalka kasoo baxay Fahad

Waxaan Maxkamadda Sare ee dalka u gudbistay 9kii Abriil 2022 cabasho lid ku ah go’aankii siyaasadeysnaa ee Guddiga Hirgelinta Doorashooyinka Dadban ay ku hakiyeen natiijada tartankii daaha furnaa ee aan u galay kursiga HOP086.
Qabashada kiiskan ee Maxakamadda Sare iyo tallaabooyinkii ka dambeeyay ee ay qaaday kuwaasoo ay ku dalbatay in labada dhinacba ay soo gudbiyaan dulucda doodaha ay qabaan iyo dhagaysiga labada dhinac ee warbaahinta laga tabiyayba waxay caddeynaysaa in Maxkamaddu ay gudagashay gar-maqalka cabashadan.

Si kastaba ha ahaatee, markii aan si qotodheer uga baaraandagay qaraarka ay soosaareen garsooreyaashu, waxaan rabaa inaan bulshada Soomaaliyeed la wadaago inaan ixtiraamayo qaraarka kasoo baxay Maxkamadda Sare, oo ah hay’adda ugu sarreysa ee garsoorka dalka, kaasoo ay ku sheegeen in aysan awood u lahayn go’aan ka gaarista gal-dacwadeedka.