Soomaaliya: Kulanka Murrashiinta Baarlamanka iyo Ergayga Q/Midoobay

Muqdisho(Dawan)-Wakiilka xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay u jooga Somalia James Swan ayaa maanta kulamo la qaatay qaar ka mida musharaxiinta u taagan guddoomiyaha golaha shacabka ee Soomaaliya. Sida lagu sheegay qoraal la soo dhigay barta twitterka ee xafiiska UNSOM, James Swan iyo musharaxiinta uu la kulmay ayaa ka wada hadlay arrimaha mudnaanta u leh xildhibaanadan u taagan jagada guddoomiyaha golaha shacabka.

Tallaabadan ayaa ku soo beegmaysa iyada oo maanta ay Guddida farsamo ee loo xilsaaray inay hoggaamiyaan doorashada shirguddoonka golaha shacabka ay guddoomiye u doorteen xildhibaan Cabdirisaan Cumar Maxamed oo hore u soo noqday wasiirka amniga.

Xildhibaan Cabdirisaaq oo warbaahinta la hadlay doorashadiisa ka dib, ayaa sheegay inay durba bilaabeen qorshihii lagu dooran dooran lahaa shirguddoonka golaha shacabka balse uu rabo inuu marka hore la kulmo guddida doorashada ee Aqalka Sare, si ay uga wada hadlaan in la dedejiyo qabsoomidda doorashada shirguddoonka labada gole baarlamaan.

Golaha cusub ee baarlamaanka ayaa la dhaariyey maalinimadii khamiista oo ku beegnayd April 14-keedii, waxaana isla maalintaasba ay labada gole ay shaaciyeen shirguddoon ku meel gaadh ah oo hawlaha baarlamaanka sii hagi doonta inta laga soo dooranayo shirguddoon rasmiya.

Labada gole baarlamaan ayaa waxay si gaar gaar ah shalay sabtidii u yeesheen kulankoodii ugu horeeyey iyaga oo isla shalayba magcaabay guddiyada farsamada ee ka shaqayn doona doorashada shirguddoonka labada gole.

Aqalka Sare ayaa magcaabay guddi ka kooban lix xubnood halka golaha shacabkuna uu magcaabay guddi ka kooban 10 xubnood.