Carwo Ganacsiyeed ka Kooban 20 Dukaan oo laga furay Hargeysa “AWO ADORN IYO CIIDDA”

Mid kamida hal-abuurka Ganacsi ugubka ah ayaa laga daah-furay Magaalada Hargeysa Axaddii,taasoo ay ku mataanoobeen in ka badan labaatan Dukaan oo iibinaya baddeecado u badan kuwa ciidda dadka aadka u iibsadaan.

Carwadan waxa qabanqaabisay oo Cawo Cabdilaahi Maxamed Daahir (Cukuse) oo ka soo jeeda qoys caan ka ah Siyaasadda dalka, waxaana dhalay wasiirkii hore ee warfaafinta, Dhaqanka iyo wacyigelinta oo ah siyaasi, saxafi ruug-cadaadi ah.

Xubno kamida golaha Wasiirrada xukuumadda, xildhibaanno ka socda goleyaasha xeer-dejinta iyo deegaanka Hargeysa ayaa ka qaybgalay munaasibada furitaanka oo ahayd mid si heer sare ah loo agaasimay.

Hadal ay ka jeedisay madasha aasaasaha carwadan Mrs. Cawo Cabdilaahi Cukuse waxay ku sheegtay inay kala soo qaybgaleen ganacsato ajaanib ah oo u dhashay dalka Bulgaria, kuwaasoo ay xidhiidh ganacsi la leedahay Shirkaddeedu.

“waa markii ugu horaysay ee la qabto carwo ganacsiyeed noocan ah, waxa ku midoobay in ku dhow labaatan meheradood oo ay leeyihiin ganacsato reer Somaliland ah”ayey tidhi

Wasiir ku-xigeenka wasaaradda Ganacsiga iyo Dalxiiska Muuse Selef oo xadhiga ka jaray carwadan ayaa ku hambalyeeyey hal-abuurka ganacsi ee ay hindistay Haweenaydan da’da yar.

Ku-xigeenka Maayarka Caasimada Hargeysa Khadar Xuseen Yuusuf iyo xubno kamida golaha Deegaanka oo hadallo ka jeediyey Xaflada ayaa dhankooda soo dhaweeyey xaruntan ganacsi ee Cawo oo baahi weyn loo qabay wakhtigan, maadaama uu meesha ka baxay suuqii weynaa ee ugu tacmiirta iyo Iibka baddeecadaha Ciidda badnaa bishan Ramadaanta.

Waxa ay intaas ku dareen in Carwadan iyo kuwa la midka ahi qayb ka qaadan doonaan buuxinta baahiyihii suuqa meesha ka baxay loogu tiirsanaa.

Halkan ka Daawo Muuqaal: