Ciidanka Qaranka oo Qaadhaan ku wareejiyey guddida gurmadka Suuqii gubtay Waaheen

Hargeysa(GNA)-Guddida heer Qaran ee gurmadka taakulaynta suuqii gubtay ee Waaheen, ayaa ka guddoomay Ciidanka Qaranka Jamhuuriyadda Somaliland qaadhaan lacageed oo dhan <span;>saddex boqol iyo todoba iyo sagaashan Milyan iyo afar boqol oo kun oo u dhiganta lix iyo afartan kun oo dollar, todoba boqol iyo saddex iyo konton dollar ($46753), taasoo ay ku wareejiyeen guddida munaasibad lagu qabtay taliska Miiska Saraakiisha Ciidanka.
Guddida waxa lacagta qaadhaanka ah ku wareejiyey Taliyaha Ciidanka Qaranka Sareeye Gaas Nuux Ismaaciil Taani, waxaana ka guddoomay Wasiirka Wasaaradda diinta iyo awqaafta Sh. Cabdirisaaq Xuseen Cali ( Albaani).

Sareeye Gaas Nuux Ismaaciil Taani oo ugu horayn halkaasi hadal ka jeediyey, ayaa guud ahaan qaranka ka tacsiyadeeyey waxyeellada ka dhalayay masiibadii dabka ahayd ee baabi’isay Suuqii Ganacsiga Somaliland ugu weynaa ee Waaheen, alle ka baryey inuu cawad khayr qaba ugu bedello guud ahaan umadda, gaar ahaan kuwii hantida ku waayey iyo cid kasta oo khasaare ka soo gaadhay ama ay saameysay dhibaatadaasi.

Taliyuhu waxa uu sidoo kale faahfaahin ka bixiyey qadarka lacageed ee ay Ciidan ahaan u jaareen gurmadka masiibadaasi, iyagoo la dareen ah umaddooda.

“Annaga Ciidan ahaan idinkoo xaalkayaga og, haddana Ciidanka qaranku isagoo ka tusaalle qaadanaya qaadhaankan la uruurrinayo waxaanu iska jarnay lacag saddex boqol iyo todoba iyo sagaashan Milyan iyo afar boqol oo kun oo u dhiganta lix iyo afartan kun oo dollar, todoba boqol iyo saddex iyo konton dollar ($46753), lacagtaas ayaan guddida ku wareejinaynaa tamarina intaasay naga tahay” ayuu yidhi Sareeye Gaas Nuux Ismaaciil Taani.

Wasiirka Diinta iyo awqaafta Sh. Cabdirisaaq Albaani oo ku hadlay afka guddida, ayaa uga mahad-celiyey Ciidanka qaranka sida weyn ee ay gacanta uga geysteen gurmadka qaran ee loogu jiro ka soo kabashada masiibadaasi.

Wasiirku wuxuu  intaasi ku daray inay ka guddi ahaan soo dhaweynayaan cid kasta oo ka qaybqaadanaysa qaadhaan-uruurrinta.