‘’Berbera oo Nadiifa’’ Maayar Cabdishakuur Cidin

Maayarka Berbera Cabdishakuur Maxamuud Cidin, ayaa sheegay inay meheradaha Ganacsiga ee magaaladaasi u qaybiyeen qalabka lagu rido qashinka.

Waxa sidaasi uu ku sheegay qoraal uu ku baahiyey bartisa Facbook.

“Waxaan U Qeybinay Qaar Ka mid ah Mheradaha Ganacsi Ee Ku Yaala Shaaricyada Magaalada Berbera Caaga Qashinka Lagu Rido (Rubbish Bin).

Ujeedada Hawshan Ayaa Ah Inay Dadwaynahu Ku Dadalaan ilaalinta Nadaafada iyo Dhowrista Bilicda Magaalada”