Xoollaynta Maal-qabeenka Caydhoobay iyo nololsha muruq-maalka dhuuniga la’!! Qore. S. Kalshaale

Bilashadii bishan April 2022 reer Somaliland waxay u ahayd habeenno iyo maalmo madow oo meertada taariikhda geli doona, waxaana mar kaliya anfariir iyo naxdin naadir ahi isaga talowday bulshada oo dhan gudo iyo dibad.

Dhacdo aan ku talo-gal lahayn, ka jawaabisteeda iyo wax ka qabashadeeduna adkayd, riiqdeeduna raagto yeelanayso, kuna bilaabantay sibiq, daqiiqado koobanna dhiilladeedu adduunka wada gaadhay ayaa halakaysay hooyadii nabadgelyada iyo horumarka geeska Afrika!

Waxay ahayd masiibadii ugu xumayd ee 31 sanno Dalka ka dhacda, marka loo eeggo mashaakilaadkii loo soo joogay intay Jamhuuriyadda Somaliland jirtay, waana hantaaqo culus oo aan sahal looga soo toosi karin, sida ay qabaan dad badan oo xogoggaal ahi.

Waxay ahayd habeen Jimce iyo maalin nasasho laga soo gudbay oo sabti iyo todobaad cusub waasan laga filayo, hadal-haynta iyo waydiimaha bulshada dhex yaallayna ku koobnaayeen bishii Ramadaan ma bilatay, Beri ma soon baa? dal hebel waa laga arkay bisha iyo fal-celin doodddeed oo ku saabsan warka ka soo baxay Xukuumadda ee isla arrinta Ramadaanta la xidhiidha.

Hase yeeshee daqiiqado kaddib, Iclaam uu jeediyey Wasiirka Diinta iyo Awqaafta JSL Sh. Cabdirisaaq Albaani oo sheegay in Sabtida oo ku beegnayd 2-da April la soomi doonin, Ramadaana bilashadeedu tahay maalinta Axadda, xaalada caasimada Hargeysa way isbedeshay, waxaana cirka isku-shareeray hollac iyo Qiiq sida daruuraha u hadheeyey Magaalada, dhawaqa gaadiidka dab-damiska iyo gurmadkii dadka ee suuqa dhexdiisa ka bilaabmayna wuxuu waajahay xaalad ka qaro weyn siday wax ku bilaabmeen.

Markaas ayaanay wax walba isbedelleen oo ay sheekaddii Ramadaantu isu rogtay DABKII ma la bakhtiiyey.

Maxaa dhacay???

Waxa gubtay bogcadii ugu weynayd, ugu mashquulsanayd, ugu bulshada badnayd ee Hargeysa.

Waxa gubtay Suuqii Waaheen.

Waxa gubtay guntii xeedhada Dhaqaalaha Somaliland ama caloolshii Dalka.

Waxa gubtay Kumanaan Dukaan oo aanay badankooda waxba ka badbaadin hantidii dhex taallay Maadh iyo Maydhax toona.

Waxa gubtay Dhismeyaal Dawladda iyo Shacabkuba lahaayeen oo Malaayiin Doollar ku qiimaysnaa.

Waxa gubtay kumanaan muwaadin oo Soomali ah hantidoodii, kuwaasoo lumiyey adduunkii ay dhaqanayeen soddonkii sannadood qofba inta uu ka soo gaadhay.

Waxa gubtay kumanaan Qoys ishii ay nololshoodu ku tiirsanayd ee ay dhuuniga ka heli jireen. Ula la’ maanta!

Waxa gubtay weelkii ay ku tiirsanaayeen ee ay dhuunigooda kala soo baxayeen Kumanaan Qof oo isugu jira loo shaqeeye, xirfadle, xamaal, xoogsade, nadiifiso, Waardiye iyo kumanaan kuwaa ku sii daba noolaa oo halkaa ka qadhaabsan jiray.

Waxa gubtay dhamaan albaabadii ay subax walba u soo arsaaqad iyo adeeg doonan jireen boqolaal kun oo dan yar ah.

Waxa gubtay marsadii sida roobka loogu hooban jiray xilligan Ramadaanta iyo wakhtiga Ciidaha.

Si kastaba ha ahaatee, saameynta mashaqadii masiibada ahayd ee baabi’isay Suuqii weynaa ee Hargeysa ee Waaheen waa mid laga dareemay, laga sii dareemi doono guri kasta oo Somaliland, bariga Afrika iyo suuqyada caalamka qaarkood, isla markaana riiqdeedu ay raagi doonto.

Sidaas darteed, waa inay dhamaan taageerayaasha ka-soo-kabashada masiibadani qorshaha dhow ku darsadaan maareynta duruufaha nololleed ee ku habsaday kuwii (Dadkii) qaadaa-ma dhergaanka ahaa ee ku tiirsanaa magaaladii weynayd ee duntay, iyadoo xoolaynta maal-qabeenkuna ahmiyaddeeda leedahay.

Ma aha in gurmadka lagu koobo oo kaliya hantileyaasha ku caydhoobay ama ganacsigu kaga burburay mashaqadaasi in loo qaadhaamo, balse waxa aragti ahaan sax ah in taakulo loo fidiyo xoogsatadii muruq-maalka ahayd ee u shaqayn jiray ganacsadeyaasha dhibaatadu gambiday xoolohooda.

Sababtoo ah muruqmaalkii ka shaqaysan jiray ama shaqaalaha ka ahaa suuqai waaheen, nooca ay doonaanba ha noqdeene waxay waajaheen xaalad shaqo la’aaneed oo Qab ah,taas oo aanay wakhti deg deg ah kaga kaban karin, maadaama suuqii ay ka xoogsanayeen uu meesha ka baxay habeen qudha, si aan tabaabusho iyo ku-talo-gal lahayn.

Waxaana la dareemi karaa in dadkaas oo ah kuwa ugu badan ee dhibaatada dhacday ay waxyeellaysay ka dhigan yihiin umad baro-kac nololeed haleelshay, una baahan dib-u-dejin iyo kabis nololleed.

Sidaas awgeed waa muhiim in si dhakhso ah loo maareeyo xaalada la deristay kumanaankii ka shaqaysan jiray Waaheen, waxaana Xilka ugu weyn ee Dadka aan ka hadlaynaa uu saaran yahay guddida Dawladda oo kaashanaya guddida ganacsatada Suuqaasi ee gurmadka masiibada, waana inay arrintaasi door ka qaadato Wasaaradda shaqo-gelinta iyo arrimaha bulshada oo qaranka u qaabilsan arrimaha shaqaalaha rayidka ah.

W/Q: Suxufi Saleeban Kalshaale.