Wasiir Kaahin oo kulan la yeeshay Xildhibaanno ka soo laabtay hawlgal nabaddeed

Wasiirka Wasaaradda Arimaha Gudaha JSL Maxamed Kaahin Axmed ayaa saaka Xafiiskiisa ku qaabilay Xildhibaanadii Golaha Guurtida ee Mudada 6 Lixda bilood ah nabadaynta u joogey Gobolka Sanaag, taasoo lagu soo afjaray colaadii degaanada Ceer-yaan iyo Shidan, taasoo u dhexaysay qaar ka mid ah beelaha walaalaha ah ee degaankaas wada dega.

 

Gudidan ka tirsan Golaha Gurtida ayaa war bixin ka siiyey Wasiirka Wasaaradda Arimaha Gudaha, mar xaladdii ay soo martay nabada degaanada Ceeryaan iyo Shidan, taasoo laga gaadhay heshiish rasmi ah oo ay gacan ka geysteen Madaxweynaha Qaranka Muuse Biixi Cabdi iyo Wasiirka Wasaaradda Arimaha Gudaha JSL Maxamed Kaahin Axmed.

 

Wasiirka ayaa u mahadnaqay Gudida Golaha Guurtida ee soo xidhay nabada Degaanada Ceeryaan iyo Shidan ee Gobolka Sanaag, isaga oo Wasiirku si wayn ugu ammaanay xubnaha Golaha Guurtida waqtiga ay u hureen soo afjarida colaada dhex martay beelaha walaalaha ee wada dega Gobolka Sanaag.

 

Xubnaha Golaha Guurtida ee nabada muddada u joogey Gobolka Sanaag ayaa si wayn u amaanay Gudoomiyaha Gobolka Sanaag, Axmed Cabdi Muuse (Isdeber), kaasoo door aad u wayn ka qaatay soo afjarida nabada degaanada Ceeryaan iyo Shidan, Xubnaha Golaha Guurtida ayaa sheegay in aanay waxba u qabsoomeen gudidan Gudoomiyaha Gobolka Sanaag la’aantii, kaasoo door muhiim ah ka qaatay nabada Gobolka Sanaag.

 

Dhinaca kale Gudidan Golaha Guurtida ayaa sheegay in ay si fiican ula shaqeeyeen Maayor Ceerigaabo Ismaaciil Xaaji Nuur, Taliyaha Qaybta Booliska Gobolka Sanaag iyo Maayor Degmada Yube.

 

Kulankan waxaa Wasiirka ku wehelinayey Wasiir Kuxigeenka Maamulka Gobolada iyo Dawladaha Hoose ee Wasaaradda Arimaha Gudaha JSL Naasir Caydiid Maxamed.

 

Xildhibaanada nabada ka soo qayb qaatay

 

1- Axmed Daahir Maxamed (Jirde) Gudoomiyaha Gudida

 

2- Maxamed Sh. Cabdiraxmaan Maxamed

 

3- khadra Xuseen Sahal

4- Cawil Cabdilaahi Caydiid

5- Xasan Cumar Axmed

6- Maxamuud Jaamac Abokor

7- Muuse Ibraahim Aw Nuur

8- Maxamed Faarax Axmed

9- Cali Maxamuud X. Huruuse

10- Cumar Nuur Rayaale

ALAA MAHAD LEH