Dhaqangalka Siyaasada Maamulka Dhulka ee Somaliland

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Muuse Bixii Cabdi Ayaa Wareegto Madaxweyne Oo Sumadeedu Tahay JSL/XM/WM/222-852/042022 Ku Dhaqan Galiyey Siyaasadda Maamulka Dhulka Jamhuuriyadda Somaliland

Siyaasaddan Maamulka Dhulka Jamhuuriyada Somaliland Ee Madaxweynuhu Dhaqangaliyey Waxa Fulinteeda Isla Markaana Hogaamin Doonta Wasaaradda Hawlaha Guud, Dhulka Iyo Guryeynta

Siyaasaddan Maamulka Dhulka Jamhuuriyada Somaliland Ee Madaxweynuhu Dhaqangaliyey
ayey muhiimadeedu tahay si xal waara loogu helo dhibaatooyinka la xidhiidha helida adeegsiga lahaanshaha iyo Maamulka Dhulka waxaa lagama maarmaan ah in la helo Qorhse siyaasadeed adag oo looga Dan leeyahay xoojinta xuquuqda qofka qoyska iyo bulshada, kor u qaadista wax soosaarka iyo ilaalinta nolosha dadka.

Maamul Dhul oo loo simanyahay la isku halayn karo oo waara waxa uu udub dhexaad u yahay in la helo koriin dhaqaale iyo mid bulshaba oo wada gaadha dhmaan mujtamaca Somaliland.

Si loo gaadho ujeedooyinkan waxaa la sameeyey lana dhaqan galiyey siyaasad qaran oo dhmays tiran iskuna duba-ridan oo sal u noqota horumar qaran.

Siyaasadan waxaa loogu yeedhi doonaa siyaasada Maamulka Dhulka ee Qaranka JSL.

Haddaba Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Muuse Bixii Cabdi Ayaa Wargeetaddan Uu Ku Dhaqan Galinayey Siyaasadda Maamulka Dhulka Jamhuuriyadda Somaliland Ku Yidhi.

DHAQANGALKA SIYAASADDA MAAMULKA DHULKA

Markaan Arkay: Qodobka 90-aad Ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland

Markaan Arkay: Muhiimadda Ay Siyaasadda Mamaulka Dhulku Ay Uleedahay Dhismaha Iyo Horumarka Qaranka.

Markaan Arkay: Markaan Arkay Go’aankii Fadhigii 86-aad Ee Golaha Wasiiradda, Kuna Taariikheysan 20-01-2022, Ee Ay Ku Ansixiyeen Dhaqangalka Siyaasadda Maamulka Dhulka.

Waxaan Soo-Saaray. Wareegtadan Oo Lagu Baahinayo Dhaqangalka Siyaasadda Maamulka Dhulka Jamhuuriyadda Somaliland.

Muuse Biixi Cabdi
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland.