“Madaxweynuhu wuxuu naga hagayey Saldhiga Dhexee Hargeysa illaa saqdii dhexe”

 

Jimcihii Markay u gurmadeen Ciidamada Dabdamisku dab qabsaday goob ka tirsan meheradaha Suuqa weyn ee Waaheen xaaladuse noqotay mid adag oo baaxad weyn fiditaankuna xawli ku socdo waxaanu ku wargalinay annagoo ah maamulkii Gobolka iyo Maamulkii Degmaduba Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland xaaladda kasoo korodhay suuqii WAAHEEN. Taasoo keentay in wasiirkii Arrimaha guduhu yimaado suuqa badhtamaha Hargeysa gurmadkii socdayna gudaha ka hago Madaxweynihiina yimaado badhtamaha Suuqa Hargeysa xarunna ka dhigto goobta ugu haboon oo ahayd Saldhiga-dhexe ee Hargeysa bartaana uu naga hagayey waxa kaluu iskugu yeedhay madaxweynuhu Jannanada Ciidmada Qaranka JSL amarna kusiiyey dhammaan taliyaasha ciidamada kala duwan ee qalabka sida in hawgalka samatabixinta ay ka qayb qaataan gacanna siiyaan ciidamada dabdamiska, wakhti yar gudihiina waxaa nasoo gaadhay kolonyooyin ciidamo ah oo jiha kasta kasoo galay suuqa waaheen.

 

Taliye ku-xigeenka ciidanka bilayska isla markaana ah kusimaha Taliyaha Ciidanka Booliska oo horkacaya labada Taliye qaybeed ee Gobolka iyo dhammaan hogaannada Ciidanka Booliska waxay ahaayeen kuwii u horeeyey ee gacanta koobaad siinayey iyagoo markasta si dhaw ula shaqeeya ciidamada Dabdamiska iyo Hawlawadeenada Dawladda Hoose ee Hargeysa. Ciidamada kala duwan ee Qaranku waxay kusoo kordhiyeen taageero weyn oo dhanka amaanka iyo samatabixinta ah waxaanay ka dajiyeen culayskii soo fuulay goobaha iyo dadkii Boqolaalka kun ahaa badankooduna u gurmanayey Suuqa Waaheen shaqada badbaadintase ku ahaa caqabad taasoo ciidanka Dabdamisku ka cawdeen codsadeenna in mawjadaha dadka ah laga xakameeyo taa badalkeedana ciidamada kala duwan gacanna amaanka ku sugaan takalana ku-badbaadiyaan hantida, waxaa gacanta lagu dhigay intay hawshu socotay tuugo ku hoos dhuumanaysay mulkiilayaashii masiibadu ku habsatay ee hantidooda loo badbaadinayey.

 

Walaalheen Dawlad Deegaanka Soomaalidu waxa ay inna soo gaadhsiiyeen Afar Dabdamis ah iyo Saddex Booyadood oo qayb laxaad leh ka qaatay gurmadkii.

Hargeysa gudaheeda dhanka shacabka oo siweyn uga qayb qaatay waxaan ka xusi karaa booyadlayda oo si hagar la’aana u shaqaysay iyo saxaafadda waxa kaloon ka xusi karaa laamaha dawladda ee Xarumahoodu Hargeysa yihiin gurmadkana gacan weyn naga siiyey waxaanan ka xusi karaa.

– Madaarka Hargeysa Dabdamiskoodii oo gurmadka qayb weyn ka qaatay.

– Wakaaladda Biyaha Hargeysa Cagafyadoodii iyo waliba Biyihii ay u baahnaayeen ciidamada Dabdamisku oo wakaaladu u diyaatisay.

– Haayadda u diyaargarawga aafooyinka oo Cagafyo kaga qayb qaadatay.

Waxa kaloo soo gurmaday laamaha Dabdamiska Gobollada kala duwan iyo ciidamadoodii. Waxaan iyagana la ilaabi karayn kooxa caafimaadka oo ay horkacayeen iskuduwaha Caafimaadka Gobolka iyo Maamulka Hargeisa Group Hospital iyo dadkii mutadawciinta ahaa ee dhalinyarada u badnaa.

 

Madaxweynuhu illaa saqdii dhexe wuu nala joogay talaabo-tallaabana wuxuu noo hagayey illaa iyo intii hawsha samatabixibtu isku duba dhacaysay dhammaan haayadaha dawladuna siwada jira u wada hawlgalayeen. Wasiiradda Gaashaandhigga, Hawlaha Guud, Ganacsiga, Arrimaha Bulshada, Ciyaaraha iyo isgaadhsiintu iyo dhamaan masuuliyiinta haayadaha dawliga ahi waxay ahaayeen qaar siweyn noo gacansiinayey waxaanan si gaara u xusi karaa Wasiirka Gaashaandhiga C.qani Caateeye oo habeenkii oo dhan gurmadka iyo samatabixinta nagala shaqaynayey halmarna aan naga tagin illaa aroornimadii.

 

Ilaahay mahaddii Dawlad iyo shacab adkaysi iyo isku tashi ayeynu dabkii ku bakhtiinay insha allaana waxa hubaal ah waynu ka soo kaban doonaa dhibkii inna soo gaadhay, dadkeena samaha jecelna way badanyihiin waynu iswada garab taagi doonaa dhibkana waynu la qaybsan dadkeenaa ilaahii shalay inna siiyeyna maantana wuu joogaa, waxa dhab ah una soo wada joognay Hargeysa oo burburtay oo ilaa ciidu oloshay dibna aynu u dhisanay.

 

Maanta waxay taagantahay oo Madaxweynaheenu u xilsaaray Masiibadan dhacday ee innagu habsatay Guddi heer Qaran ah waxaana hogaaminaya Wasiirka Diinta iyo Awqaafta waxaana ka mid ah guddidaa Badhisaabka Gobolka iyo Maayarka Caasimadda Hargeysa iyo Gudoomiyaha rugta Ganacsiga iyo Xubno kale. Waxaana innala gudboon in aynu gudidaa kala shaqayno sidii loo garab istaagi lahaa dadkeenaana u caawin lahayn gudo iyo dibad mid waxyar haysta iyo mid wax badan haysta aynu u hagar baxno dhamaanteen.

 

ALLAA MAHAD LEH.

 

Khadar Baaruud

Gudoomiye Ku-xigeenka Gobolka M.jeex