Xisbiga Waddani oo war weyn ka soo saaray qorsheynta gurmadka Masiibada Suuqa Waaheen ee gubtay

Xisbiga Waddani isaga oo dareensan culayska iyo cawaaqibta ka dhalatay masiibadii dabka ee ku habsatay suuqa Waaheen wuxuu soo jeedinayaa talooyinkan:

1. Guddiga la magacaabay, ha lagu kordhiyo xubno farsamoyaqaanno ah iyo xubno ku wanaagsan xidhiidhka caalamiga ah. Sidoo kale, ha lagu kordhiyo xubno ka tirsan guddigii ganacsata Waaheen ee dhibtu heshay, si ay xalka qayb uga noqdaan una sahlanaado isla-jaanqaadka qorshayaasha iyo fulintoodu.
2. Dhammaan Bulshada qaybaheeda kala duwan iyo beesha caalamkaba waxa aannu u soo jeedinaynnaa in lala shaqeeyo guddigaa, lagana ilaaliyo wax kasta oo siyaasadaynaya shaqadooda.
3. Wixii dhaqaale ah ee ay bixinayaan dadka Somaliland, Dadka Soomaaliyeed iyo dalalka adduunkuba waa in lagu shubo xisaabta guddiga (Accounts) ee la shaaciyay oo KALIYA, waxaanan ka digaynnaa sifa kasta oo madmadow keenaysa ama deeqaha la bixinayo ka leexinaya Xisaabta Guddiga (Accounts).
4. Guddiga waxaan u soo jeedinaynaa:

A. in ay sameeyaan qiimayn xaqiiqo ku dhisan, taas oo caddaynaysa sida ​dhibtu u dhacday, waxa keenay iyo wixii la qaban karayay ama dayac ah ee dhacay.
B. Si ka soo kabashada dhibkan loo xaqiijiyo waxa aannu lagama maarmaan u aragnaa: in arrimaha loo qaybiyo gargaarka degdegga ah ee lagu caawinayo dadka tabaaloobay ee maalinlaha ku noolaa, in la dejiyo meelo kumeelgaadh ah oo ay ku sii ganacsadaan inta hawshu socoto iyo in si qorshaysan oo la tixgeliyay dhammaan baahiyaha suuqyada ganacsi dhismaha loo qaabeeyo, ganacsatdana looga maalgeliyo deeqaha la helo.

Waxaan cawil khayr qaba ugu ducaynayaa ganacsatadii Suuqa Waaheen ee dabku baabiiyay xoolahoodii. Waxaan leeyahay Ilaahii idin siiyay xoolaha sidii ayuu u jiraa, u sabra oo waydiista wixii aad haysateen iyo wax ka badanba.

Ugu danbayn, waxaan mahad ballaadhan u soo jeedinayaa ciidamada Dabdamiska oo dedaal badan sameeyay iyo cid kasta oo dadkayaga la dareen noqotay markii dhibtani soo gaadhay ama wax kala qaban doonta dib u yagleelidda suuqii ganacsi ee Waaheen.

Guddoomiyaha Xisbiga Waddani Xirsi Cali X Xasan.