Maxaa ka socda Suuqii gubtay ee Hargeysa? Warbixi

<span;>Qore. Saleeban Kalshaale

<span;>Hargeysa(GNA)-Gurmad aan wali laga faraxalan, farrina aanay ka qodnayn, ayaa ka socda Suuqa gubtay ee Waaheen,waxaana xidhan waddooyinka laga galo oo ay Ciidamada qalabka sida ee kala duwan ilaalinayaan, iyadoo shaqada daminta dabkaasi ay gashay maalintii saddexaad oo xidhiidh ah, siina socon karto maalmo kale ilaa laga dhamaystirayo banaynta dhulka baaxada leh gubadka noqday.

<span;>Dabka damintiisa oo si rasmi ah loo soo gabagabeeyey baaxadiisa habeen hore, ayaa wali waxay Ciidamada dab-damiska iyo taageerayaashoodu heegan ugu jiraan xakamaynta hadhaadiga huursan ee ka huraya qashinka hoostiisa, taasoo ah xaalad ilaa iminka taagan.

<span;>Wakhti ayey qaadanaysaa in la xaqiijiyo badqabka dhulka gubtay ee xashiishku tuulanyahay iyo deegaanka ku xeerran, waana sababta ay ilaa hadda Dawladda hoose iyo kooxaha gurmadka oo kaashanaya Ciidamadu ugu sugan yihiin mandaqada xidhan ee dabka ku shuf-beeshay.
<span;>”halkan waxaan ku sugnayn ilaa habeenkii dabku bilaabmay, mana ogin ilaa wakhtiga aanu sii joogi doono, laakiinse wali hawshu way socotaa”sidaasi waxa wariyaha Dawan u sheegay mid kamida Saraakiisha Ciidamada Qaranka ee naf-hureyaasha ah oo isagoo saanadiisa Ciidan ku gaashaaman dhex gaaf-wareegayey goobaha lagu tuulay qashinka.

<span;>Iyadoo ay socoto shaqada hubinta iyo qiimeynta dabku, waxa kale oo ay Dawladda hoose ee Caasimada Hargeysa u fasaxday gelinkii hore ee shalay inay soo galaan gudaha suuqa dadkii ay hantidu kaga gubatay si ay u hubsadaan wixii uga badbaaday, ugana qaataan halkaasi.

<span;>”Saaka (shalay)waxa la bilaabay in dadkii Meheradaha ku lahaa Suuqa Waaheen ee Dhisme Wayn ku Jiray loo ogolaado in ay Suuqa galaan oo hadii wax uga badbaadeen uga soo urursadaan.

<span;>Guddi ay soo Magacowdeen Ganacsatada Suuqa Waaheen ayaa aqoonsan doonta Qofka inta aan Suuqa loo ogolaan.

<span;>Hal Wado ayaana laga galayaa Suuqa lagana baxayaa si hubintu u fududaato”ayey wargelin ku bixisay Dawladda hoose.

<span;>Qorshaha labaad ee hawlgalka masiibadan ayaa ah in maalmaha soo socda gabi ahaanba la xaadho qashinka dabka ka hadhay ee halkaas tuullan, sida ay shaaciyeen guddida heer qaran habeenkii Axadda. “Ilaa Axadda soo socota dadku haka gurtaan wixii hanti u badhaaday”ayuu sheegay Duqa Hargeysa Isniinta maanta.

<span;>Dhanka kale, waxa shalay kormeer indho-indheyn ah ku tegay suuqaas wufuud ka socda dawladdaha caalamka ee saaxiibada Jamhuuriyadda Somaliland.

<span;>Wakiilada Uk, Taiwan, Danida Denmark iyo Turkey ee u fadhiya Somaliland,ayaa koormeer iyo indho indhayn ku soo maray Suuqa Waaheen.
<span;>Sidoo kale, wefti ka socda dalka Djibouti oo shalay dalka soo gaadhay ayaa booqday halkaasi.

<span;>Wufuuda ayaa indhahooda ku arkay sida uu u basbeelay suuqii saddexaad ama afaraad ee bariga Afrika, sidoo kalena ahaa suuqa labaad ee geyiga Soomaalida ugu balaadhnaa oo ay indhaha arkaa muruggoonayaan.

<span;>Maamulka Dawladda hoose iyo mudaneyaasha golaha deegaanka oo heegan ku jira,ayaa halkaasi ku qaabilaya daneeyayaasha markhaatiga masiibadan.

<span;>Musawirka dhabta ah ee laga qaadan karo baaxada saameynta masiibadan dabka ka dhalatay oo ah mid aan maskaxdu miisaami karayn, ayaa lagu tilmaami karaa burbur ku habsaday Uur-ku-jirtii Hargeysa, ka soo kabashadiisu wakhti qaadanayso, buuxinta kaalintii adeegyadiisuna ay tahay mid kamida shaqooyinka ugu muhiimsan ee Qaranka u yaalla ee u baahann in mudnaanta la siiyo.

<span;>Qiimeynta hordhaca ah ee ay guddida heer qaran ee loo xilsaaray shaaciyeen ayaa lagu sheegay in baaxada khasaaruhu madaxa la gashay ilaa laba Billion oo dollar, taasoo laga qaadan karo halbeegga halganka u yaalla umadda reer Somaliland, gaar ahaan reer Hargeysa.