SAFARKII GAR-NAQSI GOBEED EE MARAYKANKA:

Waxa soo koobay: Xuseen Aadan Cige (Deyr),

Safarkii Madaxweynaha JSL iyo waftigii uu hoggaaminayey ay muddo dhawr iyo toban cisho ah ugu maqnaayeen dalka Maraykanka (safarkaasi oo aan anigu ugu magac daray “GAR-NAQSI GOBEED”), waxa lagala soo noqday WAR SAN IYO WEEDH SAN.
Madaxweynuhu wuxuu sheegay in ay Maraykanka kala soo noqdeen rejadii iyo yididiiladii ugu sarraysay muddadii ay Somaliland jirtay. Wuxuu bulshada ugu bushaareeyey in ay Maraykanka kala soo noqdeen GUUL QARAN IYO GARAWSHIIYO WEYN OO AY HESHAY JAM. SOMALILAND.
1) Madaxweyne Muse Biixi Cabdi wuxuu sheegay in Safakii GAR-NAQSI GOBEED uu ahaa safar soo hooyey guul weyn oo taariikhi ah oo ay ku farxeen, kuna diirsadeen dhammaan ummadda Somaliland (gudaha iyo dibebadda), inta xaqa u hiilisa, inta samaha jecel, inta wanaaga iyo horumarka Somaliland jecel. Dhinaca kalena safarka GAR-NAQSI GOBEED wuxuu ahaa safar ka nixiyey cadawga neceb in ay Somaliland noqoto dal madax banaan oo ka mid ah Beesha Caalamka.
2) Madaxweyne Muse Biixi Cabdi wuxuu Khudbadiisii ku sheegay haddii ay dad badani awal odhan jireen wax baa inaga si ah, in uu ummadda ugu bushaaraynayo in maanta dabayshii guushu ay dhabarka inaga hayso oo ay ina riixayso oo ay ina leedahay: “hore u socda guushiinii way dhawdahaye!!”
3) Madaxweyne Muse Biixi wuxuu si cad u iftiimiyey in haddii awal hadalka Somaliland aan la dhageysan jirin, oo dhegeha Quwadaha waaweyn ee Caalamka ay inaga haysan jireen kuwa ka soo horjeeda Somaliland, in maanta Dalka ugu awooda badan dunida oo ah Maraykanka uu doonayo, danaynayo, diyaarna u yahay in uu dhegeysto oo uu garwaaqsado codka, dareenka iyo rabitaanka Shacabka JSL iyo Qadiyadda aqoonsi-raadiska Jam. Somaliland.
4) Madaxweyne Muse Biixi wuxuu sheegay in ay Dawladda Maraykanka u sheegeen in isaga iyo weftigiisu aanay Maraykanka u imanin baryo iyo gacma hoorsi, balse ay yihiin kuwo GARAWSHIIYO iyo ICTIRAAF u raadinayaa ummad GOB ah oo LIBINTOODII LA GAASIRAY.
5) Madaxweynuhu wuxuu sheegay in ay inoo furmeen albaabo waaweyn oo hore inooga xidhnaan jiray, Dawladda Maraykankuna, inagoo ah laba dawladood oo is qadarinaya, waxay maanta diyaar u tahay in ay Somaliland la samaysato xidhiidh toos ah iyo iskaashi dhinacyo badan leh, sida siyaasada guud ee xagga isteraatijiyada, ilaalinta amniga badda iyo berriga, xagga kobcinta dhaqaalaha, xagga ganacsiga, xagga aqoonta iyo waxbarashada, xagga is dhexgalka bulshada, iyo meelo kale oo badan.
6) Madaxweynuhu wuxuu sheegay in ummadda Somaliland ay u sidaan uguna bushaaraynayaan in muddadii ay joogeen Washington DC ay labada aqal ee Maraykanka ee Wakiillada iyo Senate-ka ay curiyeen laba Sharci oo waxtar u leh Somaliland oo ay Xukuumadda Maraykanka (gaar ahaan Wasaaradaha Arrimaha Dibadda iyo Difaaca) ku farayaan ka shaqaynta iyo meel marinta xidhiidh dhaw, iskaashi iyo wada shaqayn toos ah oo dhex mara Somaliland iyo Maraykanka.
7) Madaxweyne Muse Biixi Cabdi wuxuu sheegay in isaga iyo weftigiisu muddadii ay joogeen Caasimada Maraykanka ee Washington DC ay ku shaqaynayeen waajibaadkii uu faray Dastuurka Qaranka, farriintii ay ummadoodu sii fartay iyo rabitaanka Shacabka JSL oo ah in aynu Bulshada Caalamka ka dhaadhicino Qadiyadda Aqoonsi-raadiska Jam. Somaliland, taana ay gaadhsiiyeen meelihii ugu sarreeyey caalamka ee Maraykanka iyo UN-tu ay kow ka yihiin, taasoo Saxaafadda Dalka Maraykanku ay aad uga hadashay, meel wal oo Caalamka ka mid ahna lagu baahiyey.
😎 Madaxweynuhu wuxuu sheegay in ummad ahaan uu inoo bilaabmay weji cusub iyo xidhiidh cusub oo bilow ah, kaasoo dadka iyo Dawladda Somaliland uga baahan dedaal iyo hawl badan.
9) Madaxweyne Muse Biixi wuxuu sheegay in meeqaamka, maamuuska iyo qadarinta uu Maraykanku ku qaabilay isaga iyo weftigiisa aanay ku mutaysanin mansabyada ay hayaan iyo magacyadooda shaqsiga ah midnaba. Laakiinse qadarinta uu Maraykanku u muujiyey M/weynaha iyo weftigiisa ay ku timid dun wanaaga, dedaalka, adkaysiga, xallinta khilaafka, nabadda iyo xasiloonida, horumarka, dimuqraadiyada iyo in ay si xor ah u doortaan madaxdooda arrimahaas oo ay ummadda Somaliland iskood ula yimaadeen; arrimahaasi iyo magaciina ummadnimo ayaa nalagu qadarinayey ayuu yidhi Madaxweyne Muse Biixi.
10) Madaxweynuhu wuxuu sheegay in maanta Somaliland ay joogto meel Allah loogu mahad naqo, loona baahan yahay in aynu halkaa ka sii wadno. Madaxweynuhu wuxuu sheegay in dhammaan Waddamada Caalamka iyo af kastaba waxa haatan laga hadlayaa ay tahay Qadiyadda Somaliland, taasoo uu ku xigi doono Ictiraafkii oo si weyn inoogu muuqda.
11) Gabagabadii, M/weynuhu wuxuu hadalkiisa ku soo xidhay sidan: “Waxa inoo ballana Somaliland oo aynu dhismaheeda wadno, dadkeena oo walaalooba oo gacmaha is qabsada iyo qaddiyadeena oo aynu u dhabar adaygno inta yar ee inoo hadhay, qof walbana dhibta uu qabo tiisa ka hor mariyo ta Qarankiisa.”
ALLAA MAHAD LEH