Kulan lagaga hadlay soo-saarida shidaalka oo dhex maray Xukuumadda iyo Shirkaddo

Kulan saddex geesood ah oo ay wada yeesheen wasaaradda tamarta iyo macdanta JSL iyo shirkaddaha qaybta ka ah mashruuca shidaal qodista dalkeena ee Opic Somaliland iyo GENEL ENERGY, ayaa lagu lafa-furay sidii loo dhaqaajin lahaa hawlgalka dhamaystirka sahanka iyo wajiga qodista ee Shidaalka Somaliland.
Shirka oo ay masuuliyiinta Shirkadda Opic Somaliland kaga qaybgaleen habka fogaan arag-maqalka (ZOOM),kana dhacay xarunta Wasaaradda, ayey dhinacyadu ku gorfeeyeen qorshaha bilowga shaqada, qaababka loo waajahayo iyo marxaladaha uu marayo, iyadoo laga duulayo maraaxilkii uu soo maray xogta laga hayo iyo waayo-aragnimada laga dhaxlay, maadaama uu sahanku socday muddo.

Shirkadda OPIC Somaliland Corporation (OSC) oo ay aasaastay Shirkadda Dalka Taiwan u qaabilsan Shidaalka ee CPC, ayaa sheegtay inay waayo-aragnimo qoto dheer u leedahay hanaanka qodista Shidaalka, isla markaana ay ka soo shaqaysay dalal badan oo adduunka ah, kuna xeel-dheertahay ilaalinta deegaanka iyo soo-saarida khayraadka dhulka hoostiisa ku jira.
Shirka oo ay daadihinaysay Wasaaradda tamarta iyo macdanta, Oo Uu Goob joog Ahaa Wasiirka Tamarta iyo Macdanta Ayaa lagu lafa-guray arrimo badan oo la xidhiidha hawlaha shidaalka dalkeena,

Shirkaddaha OPIC iyo GENEL waxay sheegeen inay hore u soo wada shaqeeyeen, imikana hawlgalkoodu uu noqon doono mid guulaysta oo ay si hufan ugala shaqeynayaan dawladda Somaliland daah-furka iyo ka faa’idaysiga khayraadka dalka, iyadoo la raacayo shuruucda u degsan Waddanka, ahmiyaddana la siin doono badqabka deegaanka iyo dadka.

Wasaaradda tamarta iyo macdanta Jamhuuriyadda Somaliland oo qaranka uga masuul ah maamulka iyo hagida hawlaha shidaalka dihin iyo khayraadka kale ee dhulkeena ku duuggan, ayaa hogaaminaysa hawlgalka mashruuca ay fulinayaan shirkaddaha caalamiga ah ee mashruucan qaybta ka ahi.