Wasiirka wasaaradda tamarta iyo macdanta iyo wefti uu hogaaminayo oo lagu soo dhaweeyey War-idaad

Wasiirka wasaaradda tamarta iyo macdanta Jamhuuriyadda Somaliland Md. Cabdilaahi Cabdi Faarax iyo wefti balaadhan oo uu hogaaminayo, ayaa lagu soo dhaweeyey magaalada War-idaad oo ka tirsan Gobolka Saraar, halkaasoo ay maamulka degmadaasi iyo qaybaha kala duwan ee bulshadu calanka jamhuuriyadda iyo caleemo qoyan ku qaabileen weftiga ujeeddada socdaalkoodu la xidhiidho bilowga hawlgalka mashruuca soo-saarida shidaalka waddankeena oo la dhamaystirayo sahamintii lagu sameeyey, kaddibna la qodi doono haddii alle ka dhigo bilaha soo socda ilaa sanadka 2023-ka.
Weftigan oo ay wasiirka ku wehelinayaan masuuliyiin sar sare oo ka socda Shirkadda GENEL ENERGY, xubno kamida agaasime-waaxeedyada iyo khubarrada wasaaradda, ayaa kulan la yeeshay maamulka degmada, cuqaasha, waxgaradka iyo aqoonyahanka degmadaasi, kuwaasoo ay uga warameen ujeeddada socdaalka iyo geedi-socodka qorshaha shidaal qodista.
Cuqaasha iyo aqoonyahanka degmada War-Iddaad iyo gobolka Saraar oo kulanka hadallo ka jeediyey, ayaa si diirran oo dareen waddaniyadeed leh u soo dhaweeyey talaabadan ay wasaaraddu hogaaminayso ee lagu tuujinayo illaha khayraadka dhulka hoostiisa ku duuggan ee gobolkaasi, gaar ahaan degmadooda, waxaanay balan-qaadeen inay si buuxda ula shaqaynayaan oo gacan iyo garab ku siinayaan Xukuumadda iyo Shirkaddaha fulinaya hawlgalkaasi ilaalinta nabad-gelyada iyo wax kasta oo looga baahdo.
Sidoo kale, waxa ay Odayaasha iyo hormuudka bulshadu sheegeen inay ku faraxsan yihiin, kuna niyad-san yihiin deddaalka ay Dawladdu gelinayso ka faa’idaysiga Khayraadka dalka, kaasoo ay tilmaameen inuu furre u noqonayo horumarka dhaqaalaha dalka.
Wasiirka Wasaaradda tamarta iyo macdanta Jamhuuriyadda Md. Cabdilaahi Cabdi Faarax oo madashaasi hadal ka jeediyey, ayaa ugu bushaareeyey bulshada reer Saraar, khaas ahaan degmada War-iddaad inay nasiib u heleen daah-furka barmaamujka Shidaal soo-saarka dalka, sidaasi awgeed looga baahan yahay inay ka soo baxaan dhankooda waajibka ka saaran fulinta shaqadaasi.
Wasiirka ayaa intaasi ku daray inay xukuumadda Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi ka go’antahay sidii loo soo saari lahaa nimcooyinka dihin, si loo cidhib-tiro faqriga iyo dhaqaale xumadda waddanka ka jirta.
Degmada War-iddaad dhacda meesha kala badha dhulka Somaliland ee Bariga iyo galbeedka, waxaanay kamid tahay jiiddaha laga sameeyey shidaal sahaminta sanadihii la soo dhaafay.